Tiradda Khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay ee Dhumay oo sii korortay

0
Tuesday October 23, 2018 - 09:11:35 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tiradda Khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay ee Dhumay oo sii korortay

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed xoogan oo shalay ka qarxay deegaanka Dhumay ee koonfurta Gobolka Sool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed xoogan oo shalay ka qarxay deegaanka Dhumay ee koonfurta Gobolka Sool.

Dagaalkan ayaa waxa uu dhexmaray labo maleeshiyo beeleed oo wadadaga deegaanka Dhumay,isal markaana sababay dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dadka deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkii shalay uu ahaa mid xoogan,iyadoona la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Khasaraaha ka dhashay dagaalkan ayaa waxaa lagu sheegay in dhimashada ay gaareyso ilaa iyo 50 ruux halka 85 kale ay dhaawaca yihiin,waxaana jirtay in dadkii ku dhaawacmay dagaalkaas ay xalay geeriyoodeen.

Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Soomaaliland Cabdirashiid Xuseen Cabdulle ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabo ay uga hortagayaan dagaalkaas si uusan markale dhiig ugu daadan.

Wararka aan ka heleyno saakay deegaanka Dhumay ee koonfurta Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayan in xaalada ay mid yara degan,isla markaana uusan dagaal ka socon balse markasta la filan karo maadaama maleeshiyaadkii dagaalamay ay weli ishor-fadhiyaan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip