Haweeney 73 jir ah oo ilmo mataano ah dhashay

0
Wednesday May 05, 2021 - 16:31:14 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney 73 jir ah oo ilmo mataano ah dhashay

    Haweeney 73 sano jir ah oo ku nool gobolka Koonfurta dalka Hindiya ee Andhra Pradesh ayaa dhashay laba caruur oo mataano ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweeney 73 sano jir ah oo ku nool gobolka Koonfurta dalka Hindiya ee Andhra Pradesh ayaa dhashay laba caruur oo mataano ah.



Caruurtan oo gabdha ah ayay dhaqaatiirtu shegeen inay aaminsan yihiin in sababtu ay tahay in la bacrimiyay oo shahwada ninkeeda lagu beeray minka haweeneyda.

"Hooyada iyo caruurta ba aad bay u wanaagsan yihiin", sidaas waxaa BBC-da u sheegay dhaqaatiirta haweeneydani.

Haweeneyda caruurta dhashay oo lagu magacaabo Mangayamma Yaramati ayaa sheegtay in iyada iyo seygeyda oo da'diisu ay tahay 82 jir ay marwalba ku han-weynaayeen inay caruur helaan, balse taas aysan horay u dhicin.

"Aad ban ugu faraxsanahay," ayuu yiri seygeyda Sitarama Rajarao oo la hadlayay BBC-da saacado un kadib markii ay caruurtu dhasheen.

Hasayeeshee maalin kadib, " ayaa waxaa ku dhacay xanuunka jeex qalalaka ama Stroke loo yaqaano, waxaana haatan lagu daweynayaa isbitalka.

"Waxba gacanta noogu ma jira anaga,wixii qoran way dhacayaan, waxwalba Allaah ayaa gacanta ku haya", ayuu raaciyay oo mar wax laga weydiiyay cida xanaaneyn doontaa haddii ay wax dhacaan, maadaama labadooduba ay da'da ka daba timid.

.

XIGASHADA SAWIRKA,10 DAILY

Qoraalka sawirka,

Qoyskan ayaa sheeay in dhaga hadal badan ay la kulmeen

Lamaanahan oo aan horay wax caruur ah u helin ayaa sheegay in tani ay muhiim u tahay noolashooda, maadaama ay dhaga-hadal kala kulmeen bulshada ku nool tuulada ay degan yihiin.

Yaramati ayaa sidoo kale sheegtay in loogu yeeri jiray haweeneydii aan caruurta lahayan, taas na ay xanuun badan ku reebtay iyada iyo seygeeda.

"Dhowr jeer ayaanu isku daynay in aan caruur helno oo dhaqaatiir badan ayaanu aragnay, balse nooma aysan suurta gelin, hadda oo aan helnay na waa farxadda ugu weyn noolasheyda", ayay tiri.

Gabdhaha mataana ayaa ku dhashay qaab qalliin ah, taas oo la sheegay inay tahay mid caadi ah, maadaama hooyada ay tahay qof waayeel ah.

Arrintan oo kale ayaa waxaa ay horay uga dhacday dalka Hindiya sanadkii 2016-ka, xiligaas oo haweeney 70 sano jir ah ay dhashay wiil.

Xigasho: BBC Somali
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip