DEG DEG:-Weerar culus oo lagu qaaday Ciidamo ka tirsan DFS & Khasaaro ka dhashay

0
Saturday November 24, 2018 - 16:07:04 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:-Weerar culus oo lagu qaaday Ciidamo ka tirsan DFS & Khasaaro ka dhashay

    Wararka naga soo gaaraya Duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu weeraray kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Militeriga Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu weeraray kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Militeriga Soomaaliya.

Ciidamada weerarka lagu qaaday ayaa ka yimid Magaalada Jowhar,waxaana weerarka uu dhacay xili ay marayen tuulad Gololeey ee hoostagta dagmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Dad ku sugan Degmada Balcad ayaa sheegay in Gawaarida la weeraray ay ahaayeen Saddex Gaari oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Dowlada, waxayna intaas ku dareen in mid kamida sadexdii Gaari uu soo gaaray Balcad halka labadii kalana wadada looga soo tagey.

Sidoo kale waxaa la sheegay in weerarka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,balse aan si dhab ah loo xaqiijin Karin.

Wadada isku xirta Degmooyinka Jowhar iyo Balacd ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay weeraro Jid-gal ah,kuwaasi oo lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo ay kamid ahaayeen Xildhibaano iyo xubno kale.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip