Dad dhigayay Xuska Nebi Muxamed (NNKH) oo la qarxiyay & Khasaaro ka dhashay

0
Wednesday November 21, 2018 - 12:09:46 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad dhigayay Xuska Nebi Muxamed (NNKH) oo la qarxiyay & Khasaaro ka dhashay

    Qarax ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Kabul ee dalka Afqaanistaan,kaasi lala beegsaday goob ay ka socotay Munaasabada lagu weyneynaye Dhalashada Nebigeena Muxamed (NNKH),waxaana qaraxa ku dhintay ugu yaraan 43 qof.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Kabul ee dalka Afqaanistaan,kaasi lala beegsaday goob ay ka socotay Munaasabada lagu weyneynaye Dhalashada Nebigeena Muxamed (NNKH),waxaana qaraxa ku dhintay ugu yaraan 43 qof.

Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay ugu yaraan 83 qof,kuwaasi oo dhammaantood ahaa dadkii kasoo qeyb galay Munaasabada lagu weyneynaye Dhalashada Nebigeena Muxamed (NNKH).

Munaasabada ayaa ka dhacday goob Munaasabadaha waa weyn lagu qabto oo ku taalla Magaalada Kabul ee dalka Afqaanistaan.

Culumada qaraxa lala beegsaday ayaa ku guda jiray xuska dhalashada Nabi Maxamed Nabadgalyo iyo naxariis dushiis ha ahaatee.

Waa qaraxii ugu dhimashada badnaa ee Kabul ka dhaca bilooyiinkii ugu dambeeyay.

Ma jirto ilaa iyo imika cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.

Sidee wax u dhaceen?

Waxaa la sheegay in goobta ay xafladda ka socotay ay ku jiraan 1,000 qof markii uu qaraxa dhacayay.

Afhayeen u hadlay booliiska Kabul Basir Mujahid,ayaa sheegay"In culumada Islamka ay aqrinayeen quraanka iyaga oo u dabaaldagayay dhalashada Nabiga nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee".

Qofka ismiidaamiyay ayaa ka soo galay albaabka hore ee xarunta halkaasi oo walxaha qarxa uu la beegsaday.

Sheekh Mohammad Hanif ayaa sheegay uu qarax dhawaq xooggan uu dhacay "qof walibana uu qaaylinayay isaga oo caawin dalbanaya".

Sawiro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay muujinayaan dhar dhiig badan uu ka muuqdo iyo quraarado jajabay oo goobta daadsan.

Telefishinka 1TV News ayaa ka soo xigtay wasaaradda caafimaadka in 24 ka mid ah dadka dhaawacmay uu dhaawacooda halis yahay.

Maxay tahay jawaabaha laga bixiyay?

Madaxwaynaha Afqanistan Ashraf Ghani ayaa cambaareeyay waxa uuna ku tilmaamay "weerar argagixiso ".

Waxa uu ku dhawaaqay in maanta oo Arbaco ah ay tahay maalin baroordiiq islamarkana calanka dalka hoos loo dhigi dono.

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Afqanistaan ayaa dhankooda waxay sheegeen in ay aad uga xun yihiin weerarkan ismiidaaminta.

Rai'sul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa cambaareeyay waxa uuna ku tilmaamay "fal argagixiso oo fulaynimo ah".



Xigasho:-BBC Somali 


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip