Ninki isku Qarxiyay Cabdicasiis Afrika oo xaaskiisi fariin ureebay.

0
Wednesday November 24, 2021 - 18:05:19 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninki isku Qarxiyay Cabdicasiis Afrika oo xaaskiisi fariin ureebay.

    Kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay Allaha u naxariistee weriye Cabdicasiis Maxamed Guuleed (Afrika).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay Allaha u naxariistee weriye Cabdicasiis Maxamed Guuleed (Afrika).

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sii deysay wareysi laga qaaday ninkaan kahor inta uusan fulin weerarka, wuxuuna magaciisa ku sheegay Ciise Cabdi Cabdulle oo ku magac dheer (Ciise Miskiin).

Ninkaan ayaa wareysiga ku sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Murusade, gaar ahaan lafta Habar-Maxamed. Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu ku dhashay deegaanka Dirri oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Da’diisa ayuu ku sheegay 27 Jir, wuxuuna kooxdaan kusoo biiray isagoo 17 sano jir ah, isaga oo markii hore ka mid noqday qeybta Jabhadda, gaar ahaan kuwa ka dagaalamo Gobolka Galgaduud kahor inta uusan iska diiwaan gelin qeybta Is-miidaamiyayaasha.


Ninkaan ayaa dhammaadka wareysiga uu bixiyey wuxuu kula dardaarmay xaakiisa, isagoo u sheegay inay samarto, islamarkaana ay wiilkiisa Cabdullaahi ku barbaariso Diinta si uu isaga ugu daydo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda qaraxii is-miidaaminta ahaa ee lagu dilay Afrika

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip