Dagaalki Itoobiya oo weji cusub yeeshay, Ruushka iyo Mareykanka oo isku haya. (Warbixin)

0
Monday December 06, 2021 - 22:39:59 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalki Itoobiya oo weji cusub yeeshay, Ruushka iyo Mareykanka oo isku haya. (Warbixin)

    ADDIS ABABA — Ciidamada Itoobiya ayaa dib ula wareegay magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Dessie iyo Kombolcha, kuwaas oo ay ka qabsadeen ciidamada Tigreega, sida ay dowladdu sheegtay Isniintii, taas oo ah calaamaddii ugu dambaysay ee ay dowla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ADDIS ABABA — Ciidamada Itoobiya ayaa dib ula wareegay magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Dessie iyo Kombolcha, kuwaas oo ay ka qabsadeen ciidamada Tigreega, sida ay dowladdu sheegtay Isniintii, taas oo ah calaamaddii ugu dambaysay ee ay dowladdu dib ugu qabsanayso dhulkii ay dhawaan lumisay

Xoogagga taabacsan Jabhadda Tigreega ee TPLF, ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalooyinkan oo ka tirsan gobolka Axmaarada bil uun kahor.

Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaan weli ka jawaabin hadalka dowladda.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in warbaahinta dowladdu ay ku dhawaaqay guushan, taas oo ah dhiirigelintii ugu dambeysay ee xukuumadda Ra'isul Wasaare Abiy Axmed.

Ciidamada Federaalka iyo xulafadooda gobolka ayaa toddobaadkii hore dib u qabsaday magaalada Lalibela oo hay’adda Qaramada Midobay ee UNESCO u aqoonsan tahay xarun ay ku yaallaan goobo taariikhi ah, kuwaas oo ay ka qabsadeen ciidamada Tigreega.

Warar madax banaan ayaa xaqiijiyay dib uqabsashada ciidamada dowlada ee goboladaani ee kadambeesay taageero militari oo katimid dhanka dowladaha Ruushka iyo Shiinaha iyadoo dhanka mucaaradkana la rumeesan yahay iney gadaal ka taagan yihiin xulufada Mareykanka. 

Dagaalka itoobiya ayaa galay  marxalad xasaasi ah una qaab ig sida colaada dalka Siiriyay oo lugaha lagalay waddamada ugu quwadaha weyn dunida. 

VOA
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip