Pakistan: Kooxdii ka soo horjeedday 'sawirkii Nebiga laga sameeyey' oo soo rogaal celisay

0
Sunday December 05, 2021 - 00:24:53 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pakistan: Kooxdii ka soo horjeedday 'sawirkii Nebiga laga sameeyey' oo soo rogaal celisay

    (BBC) Bishii la soo dhaafay, Pakistan ayaa qaadday xayiraaddii saarneyd xisbiga mayalka adag ee Islaamiyiinta, Tehreek-e-Labaik Pakistan (TLP), kaasoo ahaa wajigii dibadbaxyada looga soo horjeeday Faransiiska ee ka dhashay daabacaadda sawir-gacmeedka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(BBC) Bishii la soo dhaafay, Pakistan ayaa qaadday xayiraaddii saarneyd xisbiga mayalka adag ee Islaamiyiinta, Tehreek-e-Labaik Pakistan (TLP), kaasoo ahaa wajigii dibadbaxyada looga soo horjeeday Faransiiska ee ka dhashay daabacaadda sawir-gacmeedka Nebi Muxamed NNKH. Hogaamiyihii xisbiga TLP ee xidhnaa iyo sidoo kale boqollaal taageerayaashiisa ah ayaa la sii daayay, waxaana xisbiga loo oggolaan doonaa in uu ka qayb qaato siyaasadda guud. Dad badan ayaa ka cabsi qaba in tallaabadan aysan saameyn ku yeelan doonin siyaasadda Pakistan oo keliya balse ay sidoo kale saameyn ku yeelan karto gobolka guud iyo caalamka intiisa kale.


Taariikhdu markii ay ahayd 31-kii Oktoobar, sarkaal bilays ah oo lagu magacaabo Irfan Ahsan ayaa soo baahiyey si uu u sugo ammaanka magaalada Wazirabad ee gobolka Punjab ee Pakistan, halkaas oo boqollaal mudaaharaadayaasha TLP ah ay ku sugnaayeen in ka badan toddobaad iyaga oo ujeeddada ay u socdeen ahayd caasimadda Islamabad si ay ugu qasbaan dawladda in ay erido ergeyga Faransiiska iyada oo lala xidhiidhinayo daabacaadda sawir-gacmeedkii laga sameeyey Nebi Muxamed ee lagu baahiyey majaladda Faransiiska ah.

Dibad-baxayaashu waxay sidoo kale dalbanayeen in la sii daayo hoggaamiyahooda, Saad Rizvi, oo u xidhnaa sharciga la dagaalanka argagixisada.

Kooxda TLP ayaa afduubatay Ahsan oo damacsan si uu u soo iibsado dawo xilligii qadada, sida uu sheegay walaalkiis Usman Axsan. Laba maalmood ka dib, jirkiisa oo si xun loo jarjaray ayaa laga soo saaray isbitaal u dhow.

Ma ahayn markii ugu horreysay ee TLP lagu eedeeyo naxariis-darradan oo kale. Booliska gobolka ayaa sheegay in sanadkan oo kaliya, taageerayaasha TLP ay dileen 10 boolis ah ayna jir dil iyo dhaawac u geysteen 1,300 oo kale.

Maxaa ay yihiin TLP?

Kooxdan ayaa waxaa aasaasay wadaadka codkarka ee aan gabban ee lau magacaabo Khadim Hussain Rizvi sanadkii 2015. Waa koox Islaami ah oo mayal adag oo taageerta sharciga aflagaadada diimaha ee dalka kaas oo ka dhigan in lagu xukumo dil toogasho ciddii lagu eedeeyo aflagaadada Islaamka iyo Nabi Muxamed NNKH.

Sannadkii la aasaasay TLP, aasaasaha ayaa ku hanjabay inuu "Nederland ka tirtiri doono khariidadda adduunka" ka dib markii siyaasiga Holland ee Geert Wilders uu ku dhawaaqay tartan lagu sawirayo sawirrada Nebi Muxamed.

Khadim Hussain Rizvi wuxuu dhintay Noofambar 2020, ka dib markii uu xanuunsaday isagoo hogaaminaya mudaaharaad ka dhan ah Faransiiska oo heerkiisu sarreeyo. Waxa uu ka carooday hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo difaacay in dib loo daabaco sawir-gacmeedka Nebi Muxamed ka dib markii macalin dugsi qoorta looga gooyay markii lagu eedeeyay in uu soo bandhigay xilli uu cashar ku jiray sawirkaas.

Rizvi ayaa waxaa xilka kala wareegay wiilkiisa Saad Rizvi, kaasoo ku celceliyay dalabaadka kooxda ee ah in Pakistan ay xidhiidhakka u jarto Faransiiska. Mudaaharaad weyn oo dhacay bishii Abriil, waxay xireen waddooyinka waaweyn ee soo gala caasimadda Islamabad. Dawladdu waxay xidhay Rizvi, waxayna ku eedaysay argagixisanimo isaga iyo boqolaal taageerayaashiisa ah.

Family members of Irfan Ahsan hold up a picture of the deceased constable, who was assigned to provide security during a pro-TLP protest
Qoraalka sawirka,

Xubnaha qoyska Irfan Axsan ayaa haya sawirka askariga dhintay, kaas oo loo xilsaaray inuu sugo amniga intii lagu jiray mudaaharaad taageersan TLP.

Beddelaadda maqifkii

Laakiin ku dhawaad ​​7 bilood ka dib, dawladdu gabi ahaanba way ka laabatay mowqifkeedii. Xayiraadii saarnayd kooxda ayaa la qaaday, waxaana la sii daayay hogaamiyaha Saad Rizvi iyo boqolaal kale oo ka tirsan shaqaalaha TLP. Dowladdu ma aysan shaacinin xaaladihii ay arrintan ku dhacday balse wararka qaar ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada milateriga Jeneral Qamar Javed Bajwa uu door weyn ku lahaa go'aankan.

Dowlada ayaa sheegtay in ay xayiraada ka qaaday si ay uga fogaato iska hor imaadka ka imaanaya dadka isku sheegay in ay yihiin kuwa jecel Nabiga NNKH. Falanqeeyayaasha qaar ayaa aaminsan in ay ka baqayeen in awood loo adeegsado kooxda isku xilqaantay in ay ilaaliso sharafta nebiga ay kixin karto xaaladda siyaasad ahaan.

Wasiirka warfaafinta Fawad Chaudhry ayaa sheegay in horumaradii ugu dambeeyay ay muujinayaan in halista ugu weyn aysan ahayn Hindiya, balse ay tahay xagjirnimada gudaha dalkaas. "Sida ay dawladu uga laabatay kiiskii TLP, waxay astaan ​​u tahay in bamka (xagjirnimada) uu sii dhacayo," ayuu yidhi mar uu shir jaraa'id ku qabtay Islamabad.

TLP waxay sheekadeeda ku dhistay mawduuca qiirada badan ee ilaakinta sharafta Nebi Muxamed, taasina waxay taageero kaga heshay kooxaha Muslimiinta ah ee adduunka oo dhan. Kooxdu waxay ku faantaa caannimadeeda caalamiga ah, waxayna sheeganayaan in raadkooda uu gaadhsiisan UK iyo Yurub oo ay caan ku yihiin.

Isku duwaha warbaahinta TLP ee Saddam Bukhaari ayaa sheegay in markii aasaasihii Khadim Hussain Rizvi uu dhintay sanadkii hore, dad daacad ah oo ka kala yimid Yurub oo dhan ay u safreen si ay uga qaybgalaan aaskiisa.

Falanqeeyaha dhanka amniga Amir Rana, oo ka socda Machadka Daraasaadka Nabadda ee Pakistan, ayaa sheegay in sida ay dowladdu u maareysay arrinta TLP ay xilli horeba khalkhal galisay dheellitirka siyaasadda dibadda Pakistan ee Yurub, gelitaanka TLP ee guud ahaan siyaasadda waxay gaadhi doontaa saamayntoodu adduun aad u fog.

"Waxaa laga yaabaa in dunidu aysan dan ka lahayn waxa ka dhacaya gudaha Pakistan, laakiin waxaa jira walaac ku saabsan TLP oo saameyn ku leh qurba-joogta Pakistan iyo jaaliyadaha dibadda ee Yurub iyo Galbeedka," ayuu yidhi. "Waxay dareemayaan inay sidoo kale halkaas ka abuuri karaan caqabado xagga ammaanka ah."

A congregation of TLP supporters in Lahore, who travelled from across the country
Qoraalka sawirka,

Jameecada taageerayaasha TLP ee Lahore, kuwaas oo ka soo safray dalka oo dhan

TLP ayaa ilaa hadda si guul leh qayb lixaad leh uga ciyaartay qadiyadda sharafta Nebi Muxamed, oo ah fikradda asaasiga ah ee dariiqada Barelvi ee Islaamka. Pakistan waa wadan ay ku badan yihiin Barelvi-yiintu, laakiin waa inay sahamiyaan wadooyin cusub oo ay ku hormariyaan saameyntooda haddii ay doonayaan inay noqdaan awood siyaasadeed oo weyn.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa aaminsan in caannimada sheekada TLP ay cadaadis ku saarayso xisbiyada kale ee siyaasadeed inay sidoo kale qaataan hab sax ah oo ay dalka ku sii riixayaan xag-jirnimada.

Dr Hassan Askari Rizvi waxa uu aaminsan yahay in siyaasadda Pakistan ay markii horeba u janjeedhsanayd dhanka midigta iyo in inkasta oo ay caan ku tahay meelaha qaarkood TLP aanay awood u yeelan doonin in ay u soo baxdo awood go'aan qaadasho leh oo doorashada ah.

"Waxay aad ugu badan tahay in kooxdu ay ka mid noqoto isbahaysi, waana inaan sugno ilaa inta ay ka beddeli karaan mowqifkooda," ayuu yidhi.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa qaba aragtida ah in inkasta oo laga yaabo in TLP aysan awoodin inay xaqiijiso helidda aqlabiyadda muhiimka ah, waxay heli kartaa codad ku filan oo loo isticmaalo miisaan siyaasadeed. Taasina waxa laga yaabaa inaanay ahayn warka ugu wanaagsan ee muuqaalka siyaasadeed ee dalka Pakistan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip