Faahfaahin:-Khasaaro ka dhashay qarax gaari oo ka dhacay D/Wadajir + Sawirro

0
Monday November 26, 2018 - 14:25:30 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 2090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahin:-Khasaaro ka dhashay qarax gaari oo ka dhacay D/Wadajir + Sawirro

    Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo Maanta ka dhacay gudaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo Maanta ka dhacay gudaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaasi oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu ka dhacay Suuq ku yaalla Xaafadda Kaawo Go’dey ee Degmada Wadjir,waxaana ka dhashay qaraxa Khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay 8 ruux,halka ay ku dhaawacmeen 15 kale,kuwaasi oo dhammaantood ahaa dad Shacab ah,isla markaana ku sugnaa xiliga uu qaraxa dhacayay goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in ay gaareen Goobta uu ka dhacay Qaraxa,iyagoo halkaasi xiray,waxaana ay wadaan baaritaano.

Dhismayaashii ka Agdhawaa goobta uu ka dhacay qaraxa ayaa waxaa soo gaaray bur bur xoogan,waxaana weli socdo gurmad loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxan Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip