DEG DEG:-DFS oo si kulul u Cambaareysay dhacdadii shalay ee AMISOM

0
Wednesday November 07, 2018 - 17:17:05 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:-DFS oo si kulul u Cambaareysay dhacdadii shalay ee AMISOM

    Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareynaysaa dhacdadii ka dhacday degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir 6dii Nofeembar 2018ka, taas oo ay ku lug lahaayeen Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayna ku naf waayeen mu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareynaysaa dhacdadii ka dhacday degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir 6dii Nofeembar 2018ka, taas oo ay ku lug lahaayeen Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayna ku naf waayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku wargelinaysaa Xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya in si degdeg ah loo soo dhammeystiro baaritaanka dhacdadaan, loona hor keeno sharciga cid kasta oo ay ku caddaato in ay ku lug lahayd, Dowladda Soomaaliya waxa ay billaabeysaa baaritaan gaar ah oo la xiriira dhacdadan.

In kasta oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya garowsantahay duruufaha ay ku shaqeeyaan ciidamada dalalka aan walaalaha nahay ee ka midka ah hawlgalka AMISOM iyo dhiigga ay ku bixinayaan nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, haddana waajibka ugu horreeya ee dowladda Soomaaliya waa ilaalinta nafta iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Goleyaasha Dowladda waxa ay tacsi u dirayaan ehelada dadkii ku geeriyooday dhacdadan, waxa ayna farayaan hay’adaha ay quseyso la socodka iyo daryeelka caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay.

 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip