Jaamacadda Carabta oo Cambaareysay qaraxyadii dhawaan lagu weeraray Hotel Saxafi

0
Sunday November 11, 2018 - 12:14:05 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda Carabta oo Cambaareysay qaraxyadii dhawaan lagu weeraray Hotel Saxafi

    Mudane Axmed Abul-qeyd oo ah Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si kulul u canbaareeyay weerarkii qaraxyada ahaa oo ay kooxda xakjirka ah Jimcihii la soo dhaafay ay ku qaadeen Hotel dadka rayidka ah ay u badan yihiin oo ku yaalla isgoyska KM4

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane Axmed Abul-qeyd oo ah Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si kulul u canbaareeyay weerarkii qaraxyada ahaa oo ay kooxda xakjirka ah Jimcihii la soo dhaafay ay ku qaadeen Hotel dadka rayidka ah ay u badan yihiin oo ku yaalla isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, ayna ku dhinteen dad maato ah oo aan waxba galabsan qaar kaloo fara badana ay ku dhaawacmeen.

Xoghayuhu waxa uu isagoo ku hadlaya magaca xubnaha jaamacadda Carabta uga tacsiyadeeyay Xukuumadda Soomaalia iyo dadkii ay marxuumiintaasi ka geeriyoodeen, wuxuuna kuwa dhaawaca ah ilaaahay uga baryay inuu siiyo caafimaad taam ah.

Danjire Mahmud Caatiqi oo ah afhayeenka rasmi ah ee Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inay Jaamacaddu ay ku gacan siinayso Xukuumadda Soomaaliya dadaalka ay uga jirto nabad ka soo dabaalidda dalka.

Sidoo kale Afhayeenku waxa uu mar kale sheegay kalsoonida ay Jaamacadda Carabta ku qabto awooda ay Dowladda Soomaalia u leedahay ka hortagga iyo ka guuleysiga weerarada argagixiso ee noocan ah in kastoo ayuu yiri ( xiligaan ay Soomaalia wajahayso duruufo aad u adag) wuxuuna ugu baaqay bulshada caalamka inay laba laabaan taageerada Soomaalia ay u fidinayaan si ay dib u dhis ugu sameyso kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha Dowladda iyo sugida degenaashaha dalka.

Dhaanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga iyo Afhayeen u hadlay Culumada Al-Azhar Shariif ayaa iyana si isku mid ah u cambaareeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee kooxda argagixisada ay Todobaadkii hore la beegsadeen Xarumo iyo goobo ganacsi oo ku yaal bartamaha magaalada Muqdisho.

Waxayna cadeeyeen inay teegeero hiil iyo hooba leh ay la baarbar taagan yihiin Xukuumadda iyo Shacabka Soomaliyeed sidii looga guulaysan lahaa nooc kasta oo fal argagixisso ah.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip