Faah faahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxeysaa Weerar koox hubeysan ay Saakay ku qaadeen Hotel ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Dabley Hubeysan ayaa weeraray Hotelka waxaana uu dagaal dhexmaray Dableyda iyo ilaalada Hotelka,kaddibna waxaa u soora gashay in ay gudaha u galaan Hotelka.
Hotelka oo lagu magacaabo Internation Village,waxaa deggan Saraakiil ka tirsan Ciidanka maamulka Puntland oo ay ku jiraan kuwii dhawaan daacish kala wareegay Magaalada Qandala.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayan in Dadka halkaas deggan uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/Samad Gallan.
Ugu yaraan inta la xaqiijiyay Weerarka Saakay lagu qaaday Hotelka International Village ayaa waxaa ku dhintay 6 qof oo isugu jira Dableydii Weerarka soo qaaday iyo Ilaalada Hotelka sida ay sheegeen Saraakiisha Ammaanka.
Faah Faahin Kasoo Baxeysa Weerar Lagu Qaaday Hotel International Village
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxeysaa Weerar koox hubeysan ay Saakay ku qaadeen Hotel ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.