Dad ka soo laabtay Aaska dadkii ku dhintay qarxii Saxafi oo weeraray

0
Saturday November 10, 2018 - 14:10:34 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad ka soo laabtay Aaska dadkii ku dhintay qarxii Saxafi oo weeraray

    Wararka naga soo gaarayo Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in weerar lagu qaaday Gaari ay la socdeen dad soo duugay Meydadka qaar kamid ah dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaarayo Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in weerar lagu qaaday Gaari ay la socdeen dad soo duugay Meydadka qaar kamid ah dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa waxaa la sheegay in wadada u galeen Gaariga ay saarnaayeen dad soo duugay Meydadka qaar kamid ah dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii shalay lagu weeraray Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho,waxaana weerarka ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Dad ku sugnaa Goobta uu weerark ka dhacay ayaa inoo sheegay in hal ruux oo ku geeriyooday halka mid kale dhaawac uu kasoo gaaray weerarka lagu qaaday Gaariga ay la socdeen dadkii Meydadka soo duugay xili ay kasoo laabayeen Duugta Meydadka,iyagoo kusoo jeeday gudaha Magaalada.

Laamaha amniga Soomaaliya weli kama hadlin dhacdadaas,mana jirto cid sheegatay mas’uuliyada gaariga lagu Weeraray Duleedka Magalada Muqdisho.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip