Rooble oo afka ku-weeraray Farmaajo (Warbixin)

0
Friday December 24, 2021 - 12:36:40 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rooble oo afka ku-weeraray Farmaajo (Warbixin)

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shalay guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa sheegay inay jiraan dad dano gaar ah leh oo doonaya in ay carqaladeeyaan arrimaha doorashooyinka dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shalay guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa sheegay inay jiraan dad dano gaar ah leh oo doonaya in ay carqaladeeyaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Rooble ayaa sheegay in qabsoomidda doorashadu ay tahay xalka kaliya ee dalku uga bixi karo xaaladda adag ee uu ku jiro.

Waxa uu ku adkeystay in doorashada loo qaban doono si deg deg ah, islamarkaana shirka Golaha Wadatashiga Qaran lagu go’aamin doono jadwal doorasho oo deg deg ah.

Rooble ma sheegin cidda ay yihiin dadkaas, hase yeeshee hadalkiisa wuxuu imanayaa ayada oo khilaaf xooggan oo cusub uu kala dhaxeeyo madaxweyne Farmaajo.


Farmaajo, oo ka careysan ceyrintii Rooble uu ku sameeyey xubno ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka, ayaa la sheegay inuu isku dayayo in la carqaladeeyo doorashada.

Sababta Villa Somalia uga dagaalameyso ceyrinta xubnaha guddiga ayaa la sheegay inay tahay inay rumeysan tahay in xubnaha cusub ay caqabad ku noqon doonaan rag kale oo loo wado xildhibaannimo sida Fahad Yaasiin, Cabdiraxmaan Dheere iyo Cabdullaahi Kulane.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in kooxda Farmaajo ay sidoo kale ka careysan yihiin in doorashada xildhibaanada reer waqooyiga aysan noqon sidii ay doonayeen oo ay kusoo baxayaan xubno badan oo aan taabacsaneyn.

Farmaajo ayaa sidoo kale ka walaacsan in shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu ku baaqay Rooble lagu burburin doono labada deegaan doorasho, taasi oo doorashadii Gedo u gacan gelin karta Axmed Madoobe.

Sidaas darteed, kooxda Farmaajo waxay hadda isku diyaarinayaan inay abuuraan xaalad burburin karta doorashada oo dhan.

Caasimada.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip