Tiradda dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii shalay ka dhacay Baydhabo oo korortay

0
Sunday October 14, 2018 - 11:47:22 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tiradda dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii shalay ka dhacay Baydhabo oo korortay

    Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxyadan ayaa waxaa lagu weerary labo maqaaxi oo ay si aad ah u soo camireen dad shacab ah,kuwaasi oo ku yaalla bartamaha Magaalada Baydhabo,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira iyo dhaawac.

Khasaaraha dhimashada ka dhalatay ayaa waxa ay gaartay 20 ruux halka ay dhaawacmeen 36 kale, kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab aan waxba galabsan sida ay inoo sheegeen masuuliyiinta Koonfur Galbeed.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu tacsi u diray dadkii ay waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo,isagoo Alle uga baryay inta dhimatay in uu u naxariisto,halka kuwa dhaawaca ah uu Alle caafimaad deg deg ah siiyo.

Mas’uuliyada qaraxyadii shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa sheegatay Ururka Al-shabaab.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip