Walaalo 75 sano kaddib dib u midoobay

0
Sunday January 16, 2022 - 18:10:05 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Walaalo 75 sano kaddib dib u midoobay

    "Cimraan Khaan u sheeg inuu Fiisa dal ku gal i siinin. Hindiya cidna iima joogta." "Waxaad ka timid Pakistan, waan kuu guurinayaa."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Cimraan Khaan u sheeg inuu Fiisa dal ku gal i siinin. Hindiya cidna iima joogta." "Waxaad ka timid Pakistan, waan kuu guurinayaa."


Waa qayb ka mid ah sheekada dhemartay labada nin ee walaalaha ah tani iyo marki ay labada dal kala go'een oo xornimadoodi kala qaateen.

Kulankani gaarka ah ee dhex maray Maxammad Siddiiq iyo Maxammad Xabiib waa ,id taariikhi ah oo tusaale u noqonaya dad badan oo daafaha dunida ku kala nool oo dalalka xilliyadii ay xorriyadda kala qaateen kala tagay.

Labadan walaalaha ah waxay kala tageen xilliga dalka Pakistan uu ka go'ay dalka Hindiya waxaana isugu dambeysay Jalandhar xilli kacdoonka xorriyad doonka uu socday.

Labadan nin ee walaalaha ah ee ay waayuhu kala fogeeyeen marnaba maskaxdooda kama eysan bixin xilligi isugu dambeysay iyo sida ay ku kala tageen, hilow ay iisu qabaanna uu u dheeraa.

"Cimraan Khan ayaan weydiistay walaalkeey Maxamed Xabiib inuu Fiisa dal ku gal ah uu ku soo galo Pakistan uu ii siiyo. Si aan inta yar ee noolashayada ka dhiman aan isku meel ugu noolaanno, si xanuunka hilowga ee na hayo aan uga bogsanno."

Codsigan waxaa gudbiyey Maxamed Siddiiq oo deggan xaafadda Chak 255 ee degmada Faisalabad ee gobolka Punjab ee dalka Pakistan.

Maxamed Siddiiq oo Zoom isticmaalaya
Qoraalka sawirka,

.

Nasir Dhillon oo goob joog u ahaa kulanka ugu horreeya ee labada wiil ee walaalaha ay ku yeesheen Kartarpur, wuxuu sheegay kulankooda inuu ahaa mid dareen xambaarsan. Ku dhawaad 100 qofa ay kulankooda goob joog u ahaayeen.

Illin farxadeed ayaa labadooduba indhahooda ka qubaneysay. Dhawr saacadood marki ay wada joogeen oo ayey markale labadii walaala ahaa kala tageen dadkii goobta ku sugnaa kulligood wey wada ooyeen.

Kulankoodi ugu horereyey oo dhacay 2 sano ka hor, wixi intaa ka dambeeyey waxay ku wada xiriiraan muuqaal toos ah.

Maxamed Xabiib wuxuu ku nool yahay dalka Hindiya
Qoraalka sawirka,

Maxamed Xabiib wuxuu ku nool yahay dalka Hindiya

Maxammed Siddiiq sida aaladaha isgaarsiinta loo isticmaalo ma aqaanno balse ilmahiisa ayaa ka caawinaya oo la xiriiriya walaalkii.

Mar aan Maxammed Siiddiq gurigiisa ku yaalla Chak 244 ku booqannay waxaan la kulannay isaga oo isticmaalaya isgaarsiinta muuqaalka ee Zoom.

Labada nin ee walaalaha ah sidey ku kala tageen?

Maxammed Siddiiq wuxuu xusuustaa sida ay walaalkii ku kala tageen. Xiligaasina da'diisu waxay u dhaxeysay 10-12 jir.

Balse Maxamed Xabiib wax badan ma xasuusto aan ka ahayn magaca hooyadii, magacda walaalihii iyo wixi kale uu dadku ka maqlay wuxuuna jiray sanad iyo bar oo keli ah.

.
Qoraalka sawirka,

.

Maxamed Siddiiq wuxuu sheegay tuulada ay degganaayeen ee Jagrawan iney ku taallo Jalabdhar.

"Aabbahay wuxuu ahaa Beeraleey. Waxaan xusuustaa iney beertannada Qara badan ka bixi jiray. Hooyadeyna sida oo kale waa xusuustaa" ayuu yiri.

Maxamed Sidiiq wuuu sheegay, "Walaashii iney xanuunsatay kuna dhimatay xera qoxooti oo ku taalla Faisalabad. Waagaas, ma garanayo sida uu aabbahay xerada Faisalabada uu ku yimid waxaanna ka war helay isaga oo i baadi goobaya."

Sidey u kulmeen?

Maxamed Siddiiq wuxuu sheegay xusuusta walaakii oo aan marnaba maskaxdiisa ka bixin iney uur ku taallo badan ku abuurtay.

"Dareenkeyga marweliba wuxuu ii sheegayey inuu walaalkey nool yahay. Waxaanna jeclaa inaan mar un noolal kula kulmo. Qofwalbana wuxuu i dhihi jiray ha rajo beelin walaalkaa waad heleysaaye" ayuu yiri.

"Tuulada aan degganaa dadka ku nool oo dhan qisadeeyda wey ka dharagsanaayeen oo waan ugu sheekeeyey.gaar ahaanna waxaan ugu sheekeeyey Maxamed Ishraq. Laba sano kaddib waxaa ii imaaday Maxamed Ishaq oo uu la socdo Nasir Dhillon. Wax walbana wuu i weydiiyey wuuna iga duubay, sheekadi na dhex martay oo maqal iyo muuqaal ah ayuuna duubay wuuna baahiyey" ayuu yiri.

"Maalmo kaddib marki muuqaalka la baahiyey, isaga iyo Maxamed Isharaaq ayaa igu soo noqday. Waxayna ii sheegeen in walaalkeey la helay. Isla-markaana uu walaalkey la hadlay."

.

"Marki sheekada Maxamed Siddiiq lagu baahiyey barta YouTube, muuqaalki waxaa daawaday Dr Jigfir Singh. Wuxuuna nagula soo xiriiray baraha bulshada, kaddibna taleefan ayaan marki ugu horreysay kula xiriiray.

Dr Jagfir Singh wuxuu sheegay Maxammed Xabiib ama Xabiib Khaan in halka uu ku nool yahay looga yaqaanno magaca Shika. "Magaciisa saxda ahna ay dad yar oo keli ah ay gobolka oo dhan ka garanayaan. Anigana waxaan ka mid ahay dadka magaciisa saxda ah aan aqoon. Sheekada Shika waxaan ka maqlay Shika laftiisa qisadiisa uu marar badan iiga sheekeynayey."

Shika wuxuu jecleystay inuu si un walaalkii uu ula kulmo. "Balse wax sawir ah lagama hayo sida ay wax u dhici doonaanna wax fikir ah kama haysto. Wax suuragal ahayn waxaa suurageliyey laba sana ka hor muuqaal lagu baahiyey barta YouTube ee Punjab Lehar.

.
Qoraalka sawirka,


"Labadeennaba waanu fadhiisannay oo ooynay, anagoo xasuusanayna waalidiinteenna, waxaanu ku shiraynay Darbar Sahib, waxaanu sidoo kale u ducaynay waalidiinteenna iyo eheladayada kale munaasabadda ku sugneyd."

Mohammad Xabib wuxuu yiri, "Dadku waxay igu daryeelaan Phoolwala. Balse hadda qalbigeyga wuxuu rabaa inaan waqti la qaato lana ciyaaro carruurta aan awoowaha u ahay. Inta aan la i aasin ka hor."


 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip