Wararki ugu dambeeyay weerarki Alshabaab ee Dhuusamareeb

0
Wednesday May 26, 2021 - 22:09:15 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararki ugu dambeeyay weerarki Alshabaab ee Dhuusamareeb

    Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay fiidkii caawa weerar kedis ah ku qaadeen deegaanka Xaayow oo ka tirsan degmada Dhuusamareeb.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay fiidkii caawa weerar kedis ah ku qaadeen deegaanka Xaayow oo ka tirsan degmada Dhuusamareeb.

 
Wararka waxa ay sheegayaan in weerarkan ay Alshabaab ku dileen saddex ka mid ah koox iskeed isu abaabushay oo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale weerarkan ayaa waxaa dhaawacyo ay ka soo gaareen qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Xaayow.

Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga qeybta 21aad ayaa waxa ay gaareen deegaanka Xaayow halkaa oo ay ka sameynayaan howlgalo ka dhan ah Alshabaab.

Weerarkan ayaa imanaya xilli dhowaan ay Milatariga qeybta 21aad ku dhawaaqeen inay ka sifeynayaan Alshabaab guud ahaan deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip