Xalay fiidkii ayaa waxaa weerar ku bilowday Qarax lagu qaaday Maqaayada Banaadir Beach ee ku taala Xeebta Liido ee degmada C/Casiis.
Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo ay la socdeen tiro u dhaxeysa 3 ilaa iyo 5 Qof ayaa lagu weeraray Maqaayada Banaadir Beach sida saraakiisha amaanka ay sheegeen.
Weerarka oo qaatay saacado badan ayaa ugu dambeyn waxaa la soo gaba gabeeyay saqdii dhexe ee xalay saacadu marka ay aheyd 02:00 Habeenimo.
Ciidamada amaanka ayaa sheegay in Hotelka ay ka soo badbaadiyeen tiro ka badan 20 Qof oo shacab ah, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii ku jiray Maqaayada.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dhamaan ay toogteen kooxihii gudaha u galay Maqaayada, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen ninkii waday Gaariga ku Qarxay iridka hore ee Maqaayada Banaadir Beach oo hada isbitaalka lagu dabiibayo kadibna ay su’aalo weydiin doonaan.
Inta la xaqiijiyay 9 Qof ayaa ku dhimatay oo 5 Qof ay yihiin dad shacab ah, 2 Qof ay yihiin ciidamada amaanka, 2 Qof ay yihiin kooxihii weerarka soo qaaday, halka 2 Qof ay ku dhaawacantay weerarkaasi waa sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Gen. Gaafow, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale ayaa gaartay goobta.
Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkii xalay lagu qaaday Maqaayada Banaadir Beach ee ku taala Xeebta Liido ee degmada C/Casiis.
Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Qaraxyadii Xalay Ka Dhacay Maqaayada Banaadir Beach Ee Xeebta Liido + Sawirro
Xalay fiidkii ayaa waxaa weerar ku bilowday Qarax lagu qaaday Maqaayada Banaadir Beach ee ku taala Xeebta Liido ee degmada C/Casiis.