Wararki ugu dambeeyay Rabshadaha dalka Ukraine

0
Friday February 25, 2022 - 01:16:42 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararki ugu dambeeyay Rabshadaha dalka Ukraine

    Ruushka ayaa weerrar ballaaran oo milateri waxa uu ku ekeeyay dalka koonfurta dariska kala ah ee Ukraine, arrintaas oo ku timid amar uu soo saaray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruushka ayaa weerrar ballaaran oo milateri waxa uu ku ekeeyay dalka koonfurta dariska kala ah ee Ukraine, arrintaas oo ku timid amar uu soo saaray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
convoy enters from crimea

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Kolonyo Ruush ah oo gobolka Kherson ee Ukraine ka galaysa Crimea

Waxaa jira warar sheegaya in weerrarka lagu beegsaday saldhigyo mliateri oo ku yaal guud ahaan dalkaasi, halka koloyooyinka Ruushkana ay dalkaasi ka galayaan dhammaan dhinacyada oo dhan.

Illaa hadda waxa aan ognahay halkan hoose ka akhriso:

Putin oo amray weerrarka

Khudbad uu saaka aroortii 05:55 waqtiga Moscow (02:55 GMT), uu Mr Putin ka jeediyay taleefishinka ayuu ku dhawaaqay "howlgal milateri" oo laga fulinayo gobolka ku yaal bariga dalkaasi ee Donbas. Halkaas waxaa deggan dad badan oo u dhashay waddanka Ukraine oo ku hadla luuqadda Ruushka.

Qeyba ka mid ah dalkaasi ayey hore u qabsadeen oo ay maamulayeen fallaagada uu Ruushku baritaaro tan iyo 2014-kii.

Mr Putin ayaa sheegay in Ruushku uu dalkaasi u faragelinayo si uu naftiisa u difaaco.

Ruushka ma doonayo inuu qabsado Ukraine, ayuu yiri Putin, hasayeeshee uu hubka ka dhigi doono Nazi-nimada ka saari doono dalkaasi.

Waxa uu ugu baaqay ciidammada Ukraine ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka inay hubkooda dhigaan oo ay guryaha aadaan, hasayeeshee waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay aheyd in la iskudhacaayo laakiin "waxa ay su'aasha ka taagnayd waqtiga uun".

Waxa uuna intaasi ku daray in faragelinta quwadaha dibadda ee la doonayo lagu difaaco weerrarka Ruushka lagala hortegi doono jawaab "degdeg ah oo adag".

Qaraxyo laga maqlay guud ahaan dalkaasi

Weriyayaasha BBCda ayaa maqlay dhawaq culus oo qaraxya ah oo lagu qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv, iyo sdioo kale Kramatorski oo ka tirsan gobolka Donetsk ee bariga Ukraine. Qaraxyo ayaa sidoo kale laga maqlay magaalada dekadda leh ee ku taal koonfurta ee Odesa.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in Ruushku uu qaaday duqeymo dhanka cirka ah oo uu ku ekeeyay kaabayaasha dhaqaalaha ee Ukraine iyo ilaalada xadka.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa diidday inay weerrartay magaalooyinka Ukraine, iyadoo sheegtay inay saldhigyada milateri, difaaca cirka iyo ciidammada cirka ku bartilmaameedsatay "hub casri ah".

Taangiyo iyo ciidammo galay Ukraine

Taangiyo iyo ciidamo ayaa ku qulqulaya Ukraine iyagoo ka soo galaya xuduudaha bariga, koonfurta iyo waqooyiga, Ukraine ayaa sidaasi sheegtay.

Kolonyada milateriga Ruushka ayaa waxa ay ka gudbeen Belarus oo waxa ay galeen gobolka waqooyi ee Ukraine ee Chernihiv, halka Ruushkana ay ka soo galeen gobolka Sumy, kaas oo sidoo kale ku yaal waqooyiga, ciidammada ilaaliya xadka Ukraine ee (DPSU) ayaa sidaasi sheegay.

Belarus waxa ay muddo dheer xulafo la aheyd Ruushka. Khubaradana waxa ay ku tilmaamaan dalkaasi inuu yahay dal yar oo "macmiil qaran" u ah Ruushka.

convoy enters from crimea

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Kolonyo Ruush ah oo gobolka Kherson ee Ukraine ka galaysa Crimea

Kolonyada ayaa sidoo kala waxa ay galeen gobollada bariga Luhansk iyo Kharkiv, waxa ayna u jihaysteen gobolka Kherson halkaas oo ay ka soo galeen dhanka Crimea - halkaas oo ah dhul Ruushka uu Ukraine xoog kula wareegay 2014.

Weerrarka Ruushka ayaa waxa uu ku bilowday hub altilari ah waxaana la sheegay inay jiraan dhaawacyo, sida DPSU ay sheegtay.

Sidoo kale waxaa jiray warar shegaya in ciidamo ay dhulka ka soo galeen Badda Black Sea oo ay ku soo dageen magaalooyinka Mariupol iyo Odesa ee koonfurta dalkaasi. Qarax wayn ayaa waxaa laga maqlay bartamaha magaalada Odesa, iyadoo qof u dhashay waddanka Britain oo deggan magaalada qadiimiga ah uu BBCda u sheegay in dad badan ay halkaas isaga baxayaan.

Dhimasho ayaa la soo tabiyay

Ugu yaraan sideed qof ayaa la ogyahay inay ku dhinteen duqaymaha ciidammada Ruushka, sida uu sheegay booliska Ukraine.

Weerar lagu qaaday xero milateri oo ku taal degmada Podilsk afaafka hore ee magaalada Odesa ayaa waxaa ku dhintay lix halka todoba kalana ay ku dhaawacmeen, saraakiisha ayaa sheegay. Sagaal iyo toban qof ayaa la la'yahay.

Hal qof ayaa ku dhintay magaalada bariga ku taal ee Mariupol, ayey ku dareen.

Ukraine waxa ay leedahay waan isdifaacayaa

Milateriga Ukraine ayaa sheegay inay soo rideen shan ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah, sidoo kalana ay khasaare gaarsiiyeen ciidammada weerrarka soo qaaday.

"Isdajiya aaminana ciidammada Ukraine difaacaya", ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidammada Ukraine.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa gaashaanka u daruurtay in diyaarado laga soo riday.

people leave kharkiv by driving acros fields

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Dadka ayaa gawaaridooda la maray meelkasta oo ay mari karaan si ay isaga baxaan magaalada bariga ku taal ee Kharkiv

Ukraine ayaa waxa ay ku dhawaaqday xukun degdeg ah - kaas oo ka dhigan in milateriga uu si ku meel gaar ah awoodda ula wareegayo - waxa ayna xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Ruushka.

Madaxweyne Zelensky ayaa ugu baaqay dadka Ruushka inay ka dibadbaxaan xoogga dalkiisa lagu soo galay waxa uuna sheegay in hubka uu burburin doono qofkasta oo Ukraine ku sugan oo iyaga doonaya.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine, Dmytro Kuleba ayaa dunida ka codsaday in cunaqabatayn adag lagu soo rogo Ruushka oo ay ku jirto in dalkaas laga mamnuuco hannaanka lacagaha caalamka la isaga kala xawilo ee Swift-ga loo yaqaan.

Dadka oo gabbaad raadsanaya

Magaalada Kyiv waxaa waddooyinka waa wayn ee degdega lagu maro ka jiray saxmad wayn xilli dadka ay isaga qaxayaan caasimadda.

Cadaymaha baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ayaa muujinaya sida ay cirka isugu sii shareerayso cabsida iyo walwalka, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in lagula cararay goobaha laga galo bambooyinka iyo dhuldhacyada hoose ee guryaha. Muuqaal lagu baahiyay taleefishin ayaa waxa uu muujinayaa dad ku ducaysanaya waddooyinka magaalada.

Dad badan oo ku sugan magaalada Kyiv ayaa waxa ay gabbaad u doonteen saldhigyada tareennada. Waxaa kaloo safaf dhaadheer loogu jiraa kaalmaha shidaalka iyo goobaha lacagta lagala baxo.

resident shelter in metro

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Dadka magaalada ayaa waxa ay hoy ka dhigteen saldhigyada tareennada

Bariga fog ee Kramatorsk, ee ku yaal gobolka bariga Donetsk, ayaa weriyaha BBCda ee Bariga Yurub, Sarah Rainsford waxa ay sheegaysaa in dadku aanay filayn weerrar culus oo buuxa.

"Dadka ayaa xalay isugu soo baxay waddooyinka magaalada - waxa ay lulayeen calanka Ukraine. Waxa ay sheegeen in kani uu dhulkooda yahay oo aanay meelna uga socon," ayey soo tabisay.

"Taasi waa waxa ay dadku filayeen, waa waxa ay sugayeen, balse ma jirto cid rumaysan karta waxa dhab ahaantii dhacaya."


 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip