Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-13aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

0
Thursday April 02, 2009 - 22:42:59 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-13aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

    Waan yaabey waxaana isku canaantey xaggeed jirtay inta ay Ruuni sidaan u koreysay oo ay isbeddelladaan ku dhacaayeen ?, maalintaas Ruuni Markey in yariga fogaatey dib ayey ii soo eegtay anigoo weli isha la raacayo , markeyiijeedday inaan eegayana wey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waan yaabey waxaana isku canaantey xaggeed jirtay inta ay Ruuni sidaan u koreysay oo ay isbeddelladaan ku dhacaayeen ?, maalintaas Ruuni Markey in yariga fogaatey dib ayey ii soo eegtay anigoo weli isha la raacayo , markeyiijeedday inaan eegayana wey ii qososhay iyadoo qosolkaas iigu muujineysa iney I fahamtay oo ay ogtahay inaan eegayooo aan la yaabbanahayiyada.

Ruuni waqtigaas aan eegidda laraacayey ma xusuusneyn wixii aan markaas qabanaayey waxaana is arkey anigoo uraacay Dugsigii sare ee ay dhiganeysay oo aan ka fogeyn xaafadda ,markii aan galey Dugsigii ma garaneynin fasalka ay Ruuni gashay � macallimiin iyo ardey aan garanaayey ayaansheekoiskalagalay,


marna maamulihii Dugsiga oo aan isku dheereyn ayaan la sheekeysanayey, marna waxaan wax kaakhriyay mid ka mid ah wargeysyada derbiga oo ay ardada dugsiiga soo saaraan oo halkaas ku dhegsanaa waxaana ka akhriyay dhowr mowduuc oo xiiso lahaa ,

waxaana ugu xiiso badnaa qoraalladaas cinwaan ahaa(eegiddey dhaaamaan) wuu isoojiitay cinwankaas ,waxaana la raacey aqris qoraalkii ku hoos qornaa , wuxuu ka hadlayey qoraalkaas sheegasho wiil gabar uu jeclaadey

la hadli Karin oo aad uga baqayo� kaasoo indhaha kaliya laraaci karey isagoo eegidiisa kugudbinaya waxa uu tabanayo ama uu ku cabbirayo indhihiisa dareenkiisa jacayl ee dhanka gabadhaas ah .. wuxuu oranaayey : ma garanaayoinaad ogtahay iyo inkale sida aan kuu jecelahay anigana ma awoodi karo inaan kaaga hadlo dareenka aan kuu qabotaasna dhib bey igu tahay oo waa waxyaalaha I mashquuliyay oo aan lahurdi waayeyhabeennadii� waxaana quud darreynayaa in aad uun maalin dareento oo aad ogaato eegiddeyda aamusan dhanbaalka ay kuu siddo oo ay kuu soo gudbineyso waad I aragtaa baan filayaa in aan fariisto jidka aad soomarto marka aad dugsiga u socoto�

Waan jecleystay qoraalkaas waxaana ku farxay dhallinyarada yaryar sida ay u cabbiraan dareenkooda.Waxaan akhristay oo kale cinwaan kale oo ahaa (Dumarka oo kaliya)oo isagana ka hadlayey arrimo la xiriira caafimaadka dumarka , sida aan maleeyeyna ay aad u xiiseynayeen gabdhaha yaryar ee dugsiga dhiganayey kuna da' ahaa Ruuni waayo wuxuu ku saabsanaa arrin ay goor kasta maskaxda ku hayaan gabdhaha qaangaarka ah ee dugsiga isugu imaanayey.

La soco khamiista dambe

Aweis Xuseen Shiino Muqdisho - Somalia


Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-12aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-11aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-10aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-9aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-8aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-7aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-6aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-5aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-4aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-2aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,


NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan. & Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo, Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan E-Mailka:Webmaster@warsheekh.com,

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip