Magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Ciyaaraha Soomaalida ee HIRDA Amsterdam Futsal Tournament, kaasi oo sanadkiiba mar lagu qabto dalka Holland, iyadoona sanadkan lagu xusayo 10-sano guurada kasoo wareegatay xilligii la aas-aasay qabashada Ciyaaraha HIRDA AFT.
Tartanka AFT sanadkan ayaa waxaa ka qeyb galay 24-kooxood oo kubada cagta ah, iyo labo koox oo gabdhaha Kubada Koleyga, kuwaasi oo kala socday wadamada Netherlands, Norwey, Denmark, Sweden, Finland, Switzerlands iyo Beljium.
Ciyaarahan ayaa waxaa sanadkan si gaar ah loogu casuumay, Duqii hore ee magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya Wadamada Benelux iyo EU-da Cali Saciid Faqi, Abuukar Cawaale (Qaad-diid) Guddoomiyaha Xiriirka CAFUSA Abdel Mokhtar, Mohamed Attaibi oo ah Ciyaaryahan u cayaara Orange Futsal team, Cayaaryahankii hore ee Qaranka Kubada Cagta dalka Soomaaliya iyo kooxdii Horseed Maxamed Ismaaciil, Macalin Xasan Faarax Joon, Qabiir Isboorti isla markaana Matalayay Ururka Isboortiga SEUKI ee ka dhisan dalka Sweden, Sacad Cumar Geedi, Axmed Diinaash, Axmed Muuse, Magan Tahir, Qaar ka mid ah Cayaartoydii hore ee Kubada Cagta, Kubada Koleyga, Teeniska, Orodada, Fanaaniinta kala ah, Cabdi Baadil Ibraahim, Laki Xaaji Waceys, Waayaha Cusub iyo dad kale oo Magac ku dhex leh Bulshada dhexdooda.
Tartankan ayaa waxaa sidoo kale sanadkan lagu casuumay xulka Qaranka Futsalka dalka Morocco, oo ka yimid dalka Beljium, kuwaasi oo 2 kulan la yeeshay Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Qurba joogta, oo ku ciyaarayay Magaca (Somali Dream team EU iyo Somalia Dream team Holland), waxaana Xulka Qaranka Futsalka Qurba joogta dalka Morocco u suura gashay in ay labo kulan ka badiyaan Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ku cayaareysay Magaca Somali Dream Team.
Wareegii 1-aad ee Ciyaaraha HIRDA AFT, ayaa waxaa ku haray 12 kooxood, oo kala ah; Hoorn (NL), West-Agder (NOR), Kopenhagen (FIN), Veenendaal (NL), Wageningen (NL), Wassenaar (NL), Nieuw-Lekkerland (NL), Amsterdam (NL), Zurich (CHE) , Kristiansand (NOR) Nieuwwegein (NL) Eindhoven (NL).
Wareega 2-aad waxaa ku tartamay Kooxaha kala ah; Venray (NL), Leidschendam (NL), Denhaag (NL), Rotterdam (NL), Reeuwijk (NL), Husby (SWE), Stockholm (SWE), Helsink (FIN), Antwerpen (BEL), Alkmaar (NL), Denbosch (NL), Arnhem (NL), waxaana Finalkii Cayaaraha hiigsaday labada koox ee kala ah, Reeuwijk (NL) oo uu hogaaminayay Macalin Foora-gacan iyo Kooxda Denhaag (NL) oo uu Hogaaminayay Macalin Niinje, waxaana Koobkii la hoyday kooxda Reeuwijk (NL), ee uu hogaaminayay Macalin C/ladhiif Islow (Foora-gacan), iyadoona Koobka uu guddoonsiiyay Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).
Dhinaca kale waxaa iyaguna fooda is daray Kooxaha Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliyeed ee Qurba-joogta, kuwaasi oo ka kala yimid wadamada Britian, Norwey, Holland iyo Germany, iyadoona ay kala Hogaaminayeen Ciyaartoydii hore ee Soomaaliyeed, Xaawo Kiin iyo Shukri Dalbaas, waxaana labo kulan oo dhex maray labada koox ay guusha raacday Kooxda ay Hogaamineysay Shukri Dalbaas, kuwaasi oo hantay Koobkii Gabdhaha Kubada Koleyga ee Cayaaraha HIRDA, waxaana Koobkaasi guddoonsiiyay, Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya EU-da & wadmada Benelux Dr. Cali Saciid Faqi.
Gaba-gabadii Ciyaaraha ayaa xaflad weyn oo lagu qabtay Hoolka Xafladaha ee Garoonka Sporthallen Zuid Amsterdam, ayaa waxaa Abaalmarino kala gedisan halkaasi lagu Guddoonsiiyay Kooxihii galay kaalimaha 1-aad, 2-aad, Ciyaaryahankii ugu goolalka Badnaa, Ciyaarahankii ugu wanaagsanaa, iyo shakhsiyaad isugu jirey ; Macalimiin, Fanaaniin, Siyaasiyiin, Wariyeyaal, Shakhsiyaad ka shaqeeya Arrimaha bulshada, iyadoona dadka laga xusi karo ay ka mid yihiin, Duqii hore ee magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) Agaasimaha Hey’adda HIRDA, Drs. Faatumo Faarax, Abuukar Cawaale (Qaad-diid) Fanaanka Cabdi Caadil Ibraahim, Qabiiro Isboorti iyo dad kale oo Magac ku dhex leh bulshada dhexdooda.
Soomaalida qurba joota ah oo Amsterdam ku soo gabagabeysay tartan Isboorti
Magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Ciyaaraha Soomaalida ee HIRDA Amsterdam Futsal Tournament, kaasi oo sanadkiiba mar lagu qabto dalka Holland, iyadoona sanadkan lagu xusayo 10-sano guurada kasoo wareegatay xilligii