Amarkaan la dul dhigay ciyaaryahan Demba laguma caddeynin sababta looga reebay inuu u ciyaaro dalkiisa, inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan in xaaladiisa caafimaad aanay saameynin inuu ciyaaro.
Xiriirka K/Cagta Afrika iyo kan FIFA ayaa tartanka qaramada Afrika waxay ka reebeen ciyaaryahanka caalamiga ah ee Besiktas Demba, kaddib markii lagu soo eedeeyay dembiyo kala duwan, kuwaasi oo la xariira xirfadiisa Isboorti.
Laacibka Besiktas Demba oo isagu u ciyaaraha kooxaha ka dhisan dalalka Yurub isla markaana horay uga tirsanaa kooxo dhowr ah oo Yurub ah, ayaan la ogeyn waxa uu ka yeeli doono amarkaan la dul dhigay.
Dhinaca kale tartanka qaramada Afrika ee Cup of Nations ayaa si rasmi ah u bilowday, kaddib markii muddo dhowr goor ah uu dib u dhac ku yimid, taasi oo la xiriirta cudurka Ebola ee ka dillaacay dalalka galbeedka Afrika, isla markaana dalalkii marti gelinayay qaarkood ay diideen inay tartankaan qabtaan.
Demba B oo laga saaray xulka Senegal ee ka qeybgalaya koobka Africa
Amarkaan la dul dhigay ciyaaryahan Demba laguma caddeynin sababta looga reebay inuu u ciyaaro dalkiisa, inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan in xaaladiisa caafimaad aanay saameynin inuu ciyaaro.