Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-14aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

0
Thursday April 09, 2009 - 22:30:30 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-14aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

    Sida runta aheyd waxaa ka muuqdey qoraalladaas dadaal ay muujinayaan ardeyda Dugsiga oo ay kula tartamayeen Dugsiyo kale oo la siman , anigana intii yareyd oo aan isku maaweelinayey waan ka faa�iideystay, waxayna I soo xusuusiyee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida runta aheyd waxaa ka muuqdey qoraalladaas dadaal ay muujinayaan ardeyda Dugsiga oo ay kula tartamayeen Dugsiyo kale oo la siman , anigana intii yareyd oo aan isku maaweelinayey waan ka faa�iideystay, waxayna I soo xusuusiyeen waagii aan aniga qudheyda ardeyga ahaa oo aan qori jiray Wargeysyadaas oo kale .


Ilaa laga gaaro waqtigii Bareegga ay ardeydu soo baxayeenna waan sugayey Ruuni , markii ay soo baxeenna waan ka dhex eegay, durbadiina ma�aanan arkin , cabbaar markaan eeg eegayey ayaan u jeedey iyadoo gabdho kale ku dhex jirta oo hortaagan fasalkoodii ay ka soo baxeen ayna I daawaneyso iyadoo dhoollo caddeyneysa �

Xageeda ayaan soo aadey anigoo faraxsan oo ku fikirsan , bal salaan , waxaa dhici karta in ay kula hadashee maadaama aad ugu timid fasalkeeda.

Markaan u imid waan salaamey, waana la Hadley ,nasiib darrase waxba ima oran in kasta oo ay salaantii iga qaaddey oo ay gacanteeda ii soo taagtey.

Isla markii ay I salaantay Ruuni , gabdhihii la tagnaa wey ka tageen , labadeyna ayaa isu soo harney , waxaan ku iri Ruuni: manta oo dhan ilaa saaka adigaan halkaan kuugu sugayey , adigaana ku soo raacey!.

Si toos ah ayey ii eegtay Ruuni sida qof ii muujinaya inaan hal mar u sheego danta aan ka leeyahay � waan u aamusey si aan u siiyo fursad hadal dabadeedna waxaan iri:Ruuniyey maxaad iiga aanusan tahay .. ila hadal intii iyo manta hal erey oo kaliya igi dheh.. haku adkeysan inaad sidaan iiga aamusnaato.

Ruuni wax hadal ah iguma oran in kasta oo wejigeeda isbeddello kala duwan iyo dareenno aan is laheyn iiga muuqdeen ayna ii muujisay iney hadalladeydii
saameeyeen dareennedeedana wax ka beddeleen.

Markii aan ka soo dhaqaaqayey ayaan ku iri:waad ii jeeddaa inaan kuu imid oo xitaa Dugsigaagii kaa soo raadiyay , adigana aamusnaan ayaad igu soo dhaw
eysay..laakiin waxba kama qabo markale ayaan is arkeynaa haddii EEBBE idmo sow raalli kama tihid?

Ma garanaayo Ruuni sida ay ka noqotay madaxeeda ayey ii lu lushay iyadoo haa iigu muujineysa waayo waxaan ka filayey in aysan wax fal naq ah ka sameyn
wax kasta oo aan ku iraahdo.. Markii ay sidaas ii muujisay ayaan u soo noqdey oo aan ku iri; Haddii aad iga aqbashay in aan mar kale is aragno waad ku mahadsan tahay ee �Jaaaaaaaaaw�, dabadeedna anigoo dhankeeda eegaya ayaan ka soo dhaqaaqey iyaduna gacanteeda ayey haadisay iyadoo macsalaameyn ka wadda.

Dhacdadaas keddib waxaa igu dhashay fikir ah in aan Ruuni mar kasta oo aan firaaqo helo aan mashquuliyo si aan uga hadalsiiyo dabadeedna aan uga dhigo qof ii dhega nugul oo I maqla � I


La soco khamiista dambe

Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-13aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-12aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-11aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-10aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-9aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-8aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-7aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-6aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-5aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-4aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-2aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,

NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan. & Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo, Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan E-Mailka:Webmaster@warsheekh.com, Sheeko@warsheekh.com



Wixi Talo iyo Tusaale ah ee kusaabsan Sheekadaan Noogu Soo Hagaaji E-Mailka Shabakada Warsheekh ee SHeekooyinka sheeko@warsheekh.com.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip