RW. Cumar oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Cilmi Rooble Furre

0
Thursday March 26, 2015 - 11:10:10 in Wararka by
  • Visits: 1681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW. Cumar oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Cilmi Rooble Furre

    Inaa-Lilaahi-Waa-Inaa-Ileyhi-Raajicuun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inaa-Lilaahi-Waa-Inaa-Ileyhi-Raajicuun
Mogadishu, Maarso, 26, 2015…… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Cilmi Rooble Furre oo ku geeriyooday dalka Talyaaniga.

"Geeridu waa xaqa, qof walbana waa dhimanayaa. waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Cilmi Rooble Furre oo ku geeriyooday dalka Talyaaniga, waxaana ilaahay uga baryeeynaa inuu Kitaabkiisa ka siiyo gacanta midig, kana waraabiyo Janatul Firdowso, ” ayuu yiri RW Cumar

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu aad uga murugooday markii uu maqlay geerida marxuumka oo hada ahaa hogaamiye dhaqameed. wuxuuna ilaahay ugu baryey inuu samir iyo imaan ka siiyo dhamaan intii jeclayd.

---DHAMAAD---

Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip