Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-15aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

0
Thursday April 16, 2009 - 20:50:34 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3783
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-15aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

    Dhacdadaas keddib waxaa igu dhashay fikir ah inaan Ruuni markasta oo aan firaaqo ahey mashquuliyo si aan uga hadalsiiyo dabadeedna aan uga dhigo qof ii dhego nugul oo i maqla... intaas waxaa ii dheeraa kikir aad u culus oo ku saabsanaa arrin aan ka d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdadaas keddib waxaa igu dhashay fikir ah inaan Ruuni markasta oo aan firaaqo ahey mashquuliyo si aan uga hadalsiiyo dabadeedna aan uga dhigo qof ii dhego nugul oo i maqla... intaas waxaa ii dheeraa kikir aad u culus oo ku saabsanaa arrin aan ka damacsanaa Ruuni qudheeda , fikirkaasna runtii ma xaddidi karin goortuu igu dhashay oo waxaan is arkey anigoo ka fikiraayo laakiin mar kasta oo uu fikirkaas igu soo dhaco waan inkiri jiray waana iska fogeyn jiray in kasta oo uu si joogto ah iigu soo noqnoqonaayey fikirkaas Ruunina uu iiga dhigay mid ka sii muhimsan arrinta aan la damacsanaa...

Arrinta aan la damacsanaa Ruuni in kasta oo ay tahay arrin qoto dheer oo u baahaneysa faahfaahin dheeraad ah haddana waxaan kuugu soo koobayaa ereyo gaaban " Waxaan damacsanaa in Ruuni ii beddesho booskeedina ii gasho gabar aan saaxibbo aheyn dhowr sanadood taas oo aheyd gabar quruxbadneyd, si aan markaas gabadhaas u ilaabo ,maaddaama aan helay Ruuni oo iyadu sida ay iila muuqatey gabdhaas ka sii qurxaneyd" laakiin sida aan kuu soo xusay fikirkaas waan iska fogeynayey , balse markii aan Ruuni ka dareemay iney raalli ka tahay is arag dambe oo nadhex mara in kasta oo aaney ila hadleyn ... waxaa igu sii xoogeystay fikirkii...

Intaas keddib waxaan kordhiyay inaan tagtago saacadaha aan shaqada laheyn guriga Ruuni anigoo markaas rejeynayo inaan u helo waqti dheer oo aan Ruuni uga hadalsiiyo , waxaana ku talagalay inaan noqdo qof samir leh oo dulqaad badan mar haddii ay Ruuni tahay qof yar oo soo barbaaraya oo u baahan waqti ay ku bislaato iyo leylin dheer.

Tallaabadaas waan ku dhaqaaqey laakiin wax aan salaan iyo dhoollo-caddeyn aheyn beryihii hore kalama kulmin Ruuni... in kasta oo ay dareentay sababta aan gurigeeda u tegayo ay tahay iyada oo ay imaanshadeydu hadda ka duwan tahay tii hore oo aan u tegi jiray wiilasha habaryarteed dhashay ofo aan saaxibbada aheyn.

Waxaan kale oo aan kordhiyay tegidii aan Ruuni ugu tegayey Dugsiga ay dhiganeysay , si aan la ii fahmin sababta aan Dugsigaas ugu noqnoqonayana waxaan dhiirri geliyay qaar ka mid ah ardeyda halkaas joogtay oo aan xaafadda isla degganeyn si ay u qoraan Wargeyska derbiga , fikiraddaasna waxaa soo dhaweeyay maamulihii dugsiga wuxuuna u arkey maaddaama aan anigu kaalmeynaayo ardeyda in ay ka guuleysan doonaan Dugsiyada kale oo ay tartanka qoraal kula jiraan , sidaasna waxaa iigu suurto gashay inaan Ruuni halkaas kula kulmo waqtigii aan doono oo ay duruufuhu ii saamaxaan.

la soco khamiista dambe
Aweis Xuseen Shiino Muqdisho - Somalia

Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-14aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-13aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-12aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-11aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-10aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-9aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-8aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-7aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-6aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-5aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-4aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-2aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,


NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan. & Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo, Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan E-Mailka:Webmaster@warsheekh.com, Sheeko@warsheekh.com



Wixi Talo iyo Tusaale ah ee kusaabsan Sheekadaan Noogu Soo Hagaaji E-Mailka Shabakada Warsheekh ee SHeekooyinka sheeko@warsheekh.com.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip