Puntland Had iyo Jeer Maxaa Buuqa Baday(faallo)

0
Monday June 29, 2015 - 08:59:24 in Wararka by
  • Visits: 1587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Had iyo Jeer Maxaa Buuqa Baday(faallo)

    8 January 2014 waxa magalada garoowe ee casimadda maamulka putland ka qabsoontay dorashada madax waynaha iyo ku xugenkiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

8 January 2014 waxa magalada garoowe ee casimadda maamulka putland ka qabsoontay dorashada madax waynaha iyo ku xugenkiisa
.
madaxdii markaas isku soo tagtay xilka madax weyne nimo waxa ka mid ahaa madaxwaynaha putland ee waqtigan .iyo DR Abdiwali maxamed ali gaas oo horay uga soo noqday Somaliya raysal wasaare ..
waregii 3 xaad ee dorashada putland ee madax weyne nimo waxa isku soo hadhay madax weynihii markas xilka hayey Abdirahman maxamed [ faroole ] iyo musharax madax weyne nimo Abdiwali maxamed ali [ gaas ] .
madax weynihii waqtigaas dr faroole waxa kaga guleystay codadka tirada Musharax madax weyne nimo Abdiwali maxamed ali gas . Gudomiyaha barlamanka putland oo ku dhawaqay natiijada dorashada ayaa sidatan ugu dhawaqay " natiijada dorashadu waxa ay u dhacday sidatan .Abdiraxman maxamed farole wuxu heley 32 cod .abdiwali maxamed ali gaas wuxu heley 33 cod . hal codna waa uu xumaday sidaas darted waxa madax tinimada putland 5 ta sano ee soo socota ku guulastay pro Abdiwali maxamed ali gaas "" GUDOMIYAHA BARLAMANKA PUTLAND .

AAN U GUDO GALO HADAF KA QORMADAN ... Onka waxa kena qorraxda Putland se maxaa ka keena oonka malin kasta ??

31 dii bishii july sanad kii lasoo dhafay ee 2014 waxa uu madax waynaha mamulka putland Abdiwali maxamed ali gaas uu ku dhawaqay in uu xidhidhka u jaray dowlada somaliya .waxa uuna mudo 15 maal mood ah u qabtay xil dhibanada barlamanka somaliya ku jira in ay putland si deg-deg ah ugu soo laabtaan si loola sameeyo isku tashi .. waqtigaas ma jirin cid tidhahda waxan xidhidhka u jarnay dowlada fadaralka somaliya balse putland ayaa wado cusub u furtay mamul lada ka jira somaliya ..
waxa isla bishaa soo gadhay magalada garoowe ee xarunta mamulka putland wefti uu hogaminayo raysal wasarihii hore ee somaliya Abdiwali shkh axmed si uu xaliyo tabashooyinka ay putland sheganayso .. waxaa maalmo ka dib la xaliyey khilafkii u dhaxeyey dowlada iyo mamulka putlad ee uu gadh wadenka ka yahay Abdiwali ali gaas .waxana shirkaa ka soobaxay qodobo 12 qodob oo midba midka kale dhankiisa uu ku qancay qodobada la isla meel dhigay .waxana qalinka ku duugay raysal wasarihii waqtigaas Abdiwali shkh axmed maxamed . iyo madax waynaha putland abdiwali ali gaas ..
OON KA MAXAA KA KEENA PUTLAND MARKASTA ?

waxa iyana jirtay mar kale oo ka danbesey waqtigii raysal wasarahihii waqtigaas abdiwali shkh axmed oo ay putlad ku dhawaqday in ay xidhidhka u jartay dowlada somaliya ..

OONKA MAXAA KA KEENA PUTLAND MARKAS TA ?
27 juun war saxafadeed ka soo baxay aqalka madax tooyada mamulka putland waxa lagu shegey in aysan putland masuul ka aheen wixii ka dhaca gobolada dhexe .oo ay uga jeden talabo sharciga waa faqsan ayan ka qadaynaa shirka ka socda gobolada dhexe hadii aan dowlada bayaanin ama cadeen xudud ka mamulka loo dhisayo gobolada dhexe oo ay putland ku an doconayso xududka yaga yaan la sheegan ...
OON KA MAXAA KA KEENA PUTLAND MARKAS TA ?

28 bisha june oo ku beegneyd manta waxa magalada garowe ka dhacay mudaharad laga soo horjeedo shirka ka socda magalada cadaado oo isbucan lagu doron doono madax waynaha hogamin doono maamulka mudug . mudaharad kaa waxa qaar ka mid ah dadkii isku soo baxay ay wateen bodhadh ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan masuliyinta dowlada iyo sawiradooda . waxay in dha haygu qabteen 3 boodh ku waas oo ay ku sawir nayen Gudomiyaha barlamanka somaliya Maxamed shkh cisman [ jawari ] waxana ku qornaa bodha jawari QARAN DUMIS .. sido kale boodh kale oo uu ku sawiran yahay madax waynaha somaliya hassan shkh maxamud waxa ku qornaa isna xassan shkh QABIIL DOONE ..

Onka waxa keena qoraxda putlandse maxa ka keena oonka malin kasta?
# DHAMAAD DHAMAAD
# WQ:WARIYE MAXAMED WADANI .
# NAIROBI KENYA ...
# MAHAD SANIDIIN .
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip