Jubaland iyo Koonfur Galbeed: Maxaa ka jira in Lafta-gareen uu arrin qarsoodi ah u tagay Kismaayo?

0
Friday December 17, 2021 - 00:03:23 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubaland iyo Koonfur Galbeed: Maxaa ka jira in Lafta-gareen uu arrin qarsoodi ah u tagay Kismaayo?

    Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Arbacadii lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, iyadoo ay booqashadiisa dhalisay su'aalo iyo hadal hayn badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Arbacadii lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, iyadoo ay booqashadiisa dhalisay su'aalo iyo hadal hayn badan.

Waa markii ugu horreysay ee uu Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen booqdo magaalada Kismaayo tan iyo intii uu madaxweynaha ka noqday maamulka uu fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo.

Wali si rasmi ah looma shaacinin sababta dhabta ah ee ka dambeysa inuu Kismaayo aado Laftagareen oo tan iyo markii uu xilka qabtay la og yahay in siyaasad ahaan uu u janjeeray dhinaca dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay si weyn isku hayaan madaxweynaha Jubaland.

Hase yeeshee waxaa soo baxaya warar ku saabsan in booqashadiisa ay salka ku heyso arrimo khuseeya doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.


"Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxa ay isku yihiin iyo waxa ka dhaxeeya waa wax aan dadka oo dhan ka dhaxeynin. Dal, deegaan, deris, daaq, siyaasad iyo walaalnimo ayaa ka dhaxeysa, arrintaas iyada ah waa inaan labajibbaarno, oo aan nooleyno xiriirkii, ha noqoto siyaasad ama amni ha noqdo ama isdhexgalka bulshada ha noqdo," ayuu yiri.

Cabdicasiis Lafta-gareen, madaxweynaha Koonfur Galbeed

XIGASHADA SAWIRKA,JSH

Qoraalka sawirka,

Cabdicasiis Lafta-gareen, madaxweynaha Koonfur Galbeed

Inkastoo uu carrabka ku adkeeyay xiriirka siyaasadda, haddana ma uusan soo hadal qaadin in safarkiisa uu salka ku hayo siyaasadda sida gaarka ah ugu saabsan doorashada Baarlamaanka.

Maxay tahay 'sababta qarsoon'?

Booqashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Kismaayo ayaa kusoo aadday xilli xasaasi ah oo ay socdaan arrimo badan oo ku saabsan doorashada Golaha Shacabka, cabashooyin badanna ay jiraan.

Hadalladii soo dhaweynta ee uu jeediyay madaxweynaha martida loo yahay ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe" ayaa qudhooda u muuqday kuwo dad badan lama filaan ku noqday oo meesha ka saarayay kala duwanaantii fikirka siyaasadeed ee labada dhinac.

Kismaayo

XIGASHADA SAWIRKA,SWSH

Xog la isla dhex marayay baraha bulshada waxay sheegeysaa in Axmed Madoobe iyo Laftagareen ay doonayaan in ay ka wada hadlaan kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo ka kala yaalla Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, inkastoo aysan BBC-du xaqiijin karin arrintaas.

Hase ahaatee ilo ku dhow madaxweynaha Koonfur Galbeed oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in uusan jirin wax ajande ah oo ku saabsan arrimaha doorashada Golaha Shacabka oo uu salka ku hayo safarka Cabdicasiis Lafta-gareen.

Waxa uu il-wareedka ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo arrimaha ku saabsan kuraasta baarlamaanka ee la sheegay in labada madaxweyne ay khuseyso.

War murtiyeed ku saabsan kulanka maanta oo Khamiis ah dhex maray madaxda Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in dhawaan laga soo saaro magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah u ah Jubbaland.

BBC

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip