Puntland :Shalay weey Orad xumeed maanta weey aragti xuntahay‏

0
Tuesday June 30, 2015 - 20:00:10 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2010
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Puntland :Shalay weey Orad xumeed maanta weey aragti xuntahay‏

    Ninka magaca Soomaliyeed, midabbada u yeelay,Waa nimaan minhaaj iyo ku dhalan, meher xalaaleed,Oo aan mufti iyo hooyadii, macallin loo geyn, mugdi uu islaantii ku galay, muudal gudayaa, Mujrimyada munaafaqa fakaday, midigta siinaaya, Maqanaha iyo joo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninka magaca Soomaliyeed, midabbada u yeelay,Waa nimaan minhaaj iyo ku dhalan, meher xalaaleed,Oo aan mufti iyo hooyadii, macallin loo geyn, mugdi uu islaantii ku galay, muudal gudayaa, Mujrimyada munaafaqa fakaday, midigta siinaaya, Maqanaha iyo joogaha ra'yiga, meel ka wada Qaata,Oo aragtidooduna mid tahay, kalana meeraysta, Mataanaha habeenkii u shira, murugada Soomaali, Haddaad mooddey inan moognahoo, marayo baaqiinnu, Marti kibirtey waa ba'an tahay, iyo magan carootaaye, Isa soo mutuxa waa waxaa, naga macaashtaane.
C/raage Raage 1978

Aadanaha waxaa uu u baahan yahay in ruuxda,caqliga iyo jirka laga dhiso balse xaqiiqdii waxaa soo baxaday in C/weli Gaas iyo inta ku fikirka ahi ay jirka uun ka dhisan yihiin,caqliga waxaa lagu koriyaa aqoonta maadiga ah iyo mida diinta ah sida oo kale ruuxda waxaa lagu kobciyaa caqiidada iyo towxiidka,sow lama dhihi karo reer Puntland ma xishoodaan balse waa baqaan xaqiiqdii.

Mudaaharaad maaha waxa uu abaabulay C/weli Gaas balse waxeey muujineeysaa aqoonta reer Garowe iyo Galkacayo dadka dagani aayan laheeyn damiir biniaadanimo iyo xishood halkee lagu arkay in Madaxweeynaha dalka iyo gudoomiyaha baarlamaanka sawiradooda lagu kabeeyo dariiqyada Garowe iyo Galkacayo,.

Waxaa mudan in duudbabkii dhaqabka Somalia aay dib isugu noqdaan si loo saxo dastuurka qabyo qoraalka sidii uu u dhaqan geli lahaa,waxa lagu heshiiyay ee ahaa federal ku saleeysan 18 ka Gobol ee dalka kajiray 1991 ka dib deegaan balse waxeey mareeysaa in federaalka laga dhigo mid qabiil ah.
Odayada dhaqanka ayaga ayaa soo xulay xildhibaanada federaalka Somalia si aay ugu shaqeeyaan dastuurka qabyo qoraalka oo aay qalinka ku duugeen,waxaa mudan in xildhibaanada federaalka howshii loo idmaday ee hirgelinta federal ku dhisan degaanka ( 18 Gobol ) cadeeyaan in uu ka socon waayay Puntland sidaasi darted waa in dib loogu soo celiyo Odayadii saxiixay dastuurka lagu heshiiyay.

Somalida waxeey dhahdaa doofaar ma daahiro,weligaa ha sugin in Puntland aay la mid noqoto Somaliada kale.
Inkastoo loo baaqo oo lee sheego barwaaqo

Inkastoo loo baaqo oo lee sheego barwaaqo NIN BAY MEELI BUGTAA Aan barranee noo kala baadhoo bayaan u caddie bayaan u caddeeyee waa booli cunaha beenlow iyo tuuga Baryadda aan diidno miyey ka bukaan? HAA Beerahan aan qodono miyey ka bukaan? HAA Baahida aan reebno miyey ka bukaan? HAA Nolosha bidhaatay Miyey ka bukaan??HAA

Waxaan baabi’inee boodhka ku aasnay baafinayaan Ha innaga baxo..BAX Loomaba baahnee Ha innaga baxo..BAX Qabiilka bah moodo ha innaga baxo..BAX Midowga ka boode Ha innaga baxo..BAX Boogi ku taalo Ha innaga baxo…BAX

L Xaqa la bayaashay miyey ka bukaan beesha is raacday miyey ka bukaan LOOMABA BAAHNEE HA INNAGA BAXO

DR.Ali.A.HIrabeHirabe_a@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip