Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goordhaw Degmadaasi kooxo hubeesan ay ku toogteen Gudoomiyihii hore ee Degmada Afgooye Cabdulaahi Axmed Iibey.
Goob jooge ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay in Gudoomiyihii hore ay Degmada Afgooye ay bartamaha Degmadaasi ku dileen dhalinyaro bistoolado ku hubeesnaa kuwaa oo dilka kadib goobta ka cararay.
Gudoomiyaha Degmada Afgooye Cabdi Qani Yuusux Axmed ayaa dhankiisa xaqiijiyay dilka loo geestay Gudoomiyihi hore ee Degmada Afgooye, waxa uuna sheegay in Ciidamada amaanka Degmada Afgooye ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah ragii dilka geestay.
Ciidamo katirsa Booliiska iyo Nabad Sugida Degmada Afgooye ayaa dilka kadib waxa ay halkaasi ka sameeyeen howlgalo dhoor qof lagu qab qabtay, waxa ayna ciidamada ay baaritaano ku wadaan dadka ay xireen.
Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah Degmooyinka ay inta badan ka dhacaan Dilalka qorsheesan, waxaana halkaasi marar kala duwan lagu dilay dad Shacab ah iyo dad u shaqeenayay Dowlada Soomaaliya.
Ex-gudoomiyahii af-gooye oo la dilay, (Editer, Mohamed Ismail Mohamed)
Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goordhaw Degmadaasi kooxo hubeesan ay ku toogteen Gudoomiyihii hore ee Degmada Afgooye Cabdulaahi Axmed Iibey.