18 TALO OO KU SAABSAN BARBAARINTA CARUURTA. (Q.2aad)
- Visits: 2023
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
2- U akhrinta buugta iyo u sheekayntu waa muhiim: U bilow inaad ilmaha buugta ciyaalka u akhrido; iyaga oo yarna u sheekayso, si ay luuqadda iyo dhagaysiga u bartaan. Inaad horay ugu bilowdo ayaa aad u haboon. Buug u akhrinta caruurta waxa ay ilmaha iyaga oo aad u yar tusaysaa in waxbarashadu xiiso leedahay, waxayna baranayaan sida wax loo dhagaysto, oo loo qaato waxbarashada. Muhiimnimada wax akhriska waarid walba wuu ogyahay. In caruurta buugta loo akhriyo waa jidka ugu wanaagsan oo ay guul ku gaaraan – aqoon ahaan iyo qof ahaanba.
3- Ciyaartu hal-abuurka iyo fadhiga ayay ilmaha bartaa: Marka ilmahu ciyaar gaaro, ku dhiiri gali inay ku ciyaaraan qalabka kor u qaadaya fakarkooda iyo waxqabadkooda; waxa kaliya oo aad ka taxadartaa in qalabka ciyaartu uu diinta waafaqsan yahay, dhibna aanu u keenayn. Ciyaarsiinta ilmaha waa hadiyad ka mid ah hadiyadaha uu waalidku ilmahiisa siinkaro. Ciyaartu waxay ilmaha ka caawisaa inay yeeshaan hal-abuur, ilmaha way ku dagaan, waxayna galisaa himad ay ku arkaan waxa ay awoodaan.
4- Waxaad ku bilowdaa inay bartaan muhiimadda caabudidda Ilaahay: Waxa ugu wanaagsan ee waaridka Muslimka ah uu ilmahiisa bari karo waa inuu ku adkeeyo ilmaha, laga bilaabo maalinta ay waxkala garan karaan, in Ilaahay (swt) uu yahay kan kaliya oo xaqa lagu caabudo. Tani waa fariinta ugu muhiimsan ee uu Nabigeenu (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) na faray, waana furaha janada.
5- Ilmaha u naxariiso: Naxariistu waxay dhashaa naxariis. Hadii aan ilmaheena u naxariisano, iyaguna dadka kale ayay u naxariisanayaan. Nabigeenu (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) waxuu ahaa tusaalaha ugu wanaagsan ee u naxariisashada ilmaha.
6- Bar tusaaleyaashii geesiyadii Islaamka: Halkii aad Batman iyo Superman uga sheekayn lahayd, uga sheekee geesiyada dhabta ah sida nabiyadii iyo asxaabtii. Sida: Abu Bakr, Umar Ibn Khattab, Osman bin Affan, Ali Bin Abi Talib, dhamaantood Ilaah ha ka raali noqdee, iyo kuwo kale. Usheeg sida hogaamiyeyaasha Muslimku ay u abuureen nabad dhab ah oo aduunka badasha, una qabsadeen qalbiyada Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahaynba.
7- Caruurtu dadka waawayn ha la fariisato: Waxaa haboon in caruurtu ay dadka waawayn ku dhex jiraan, gaar ahaan marka muxaadarooyinka Islaamiga ah la qaadanayo. Nabigu (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee), waxuu inta badan caruurta fariisin jiran safka hore marka uu dadka la hadlayo.
18 TALO OO KU SAABSAN BARBAARINTA CARUURTA. (Q.2aad)
2- U akhrinta buugta iyo u sheekayntu waa muhiim: U bilow inaad ilmaha buugta ciyaalka u akhrido; iyaga oo yarna u sheekayso, si ay luuqadda iyo dhagaysiga u bartaan. Inaad horay ugu bilowdo ayaa aad u haboon. Buug u akhrinta caruurta waxa ay ilmaha