Dhageyso:-Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Arin Ku Saabsan Amniga Dalka

0
Monday August 15, 2016 - 14:27:01 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Arin Ku Saabsan Amniga Dalka

    Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay xubno ka tirsan Dowlada Soomaaliya in ay qeyb weyn ka qaateen sii deysmada Xubno sar sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo Dowladda ay soo qabato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay xubno ka tirsan Dowlada Soomaaliya in ay qeyb weyn ka qaateen sii deysmada Xubno sar sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo Dowladda ay soo qabato.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda ay dhibaato ku qabto ragga Shabaabka ee la soo qabto inay daba ordayaan xubno kale oo isla dowladda ka tirsan oo doonaya in la sii daayo ruuxaasi.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka daba orda xubnaha Shabaabka ka tirsan ee la soo qabto inay laamaha ammaanka u madax banaaneysiiyaan baaritaanada lagu sameynaayo, si loo ogaadao In dalka ka galeen dambi iyo in kale.

"Anaga Mushkilad waxaan ku dhignay waan qabiilaysanahay, Shabaab waaye kii la dhaho ee la soo qabto, waa ladaba socdaa, Sheekha reerka, Xildhibaanka reerka, Wasiirka Reerka, Ganacsadaha reerka waa la daba socda, war adiga yaa kuu sheegay inuusan Shabaab aheyn ka leexo waa la baaraa haduu uusan wax dambi ah laheyn waa la soo deynaa oo cid haysanaysa malahan, laakiin hadii dambi lagu helo qaanuunka iyo sharciga noo yaalo ayaa la marsiinaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Horey waxaa u dhacday in Dowlada soomaaliya ay gacanta kusoo dhigto Mas’uuliyiin ka tirsan Al Shabaab balse maalmo kadib waxaa dhacda In si damiin ahaan in lagu sii daayo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip