AMISOM Oo Qiratay Dadkii Ay Kulaaysay Shabelada Hoose

0
Saturday August 22, 2015 - 09:50:32 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM Oo Qiratay Dadkii Ay Kulaaysay Shabelada Hoose

    Danjiraha Midowga Afrika ee u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Maman Sidikou ayaa qiray in Ciidamada AMISOM ay 7 Ruux oo shacab ku Dileen magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjiraha Midowga Afrika ee u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Maman Sidikou ayaa qiray in Ciidamada AMISOM ay 7 Ruux oo shacab ku Dileen magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Falkan ayaa waxuu ka dhacay Guri uu ka dhacayay Nikaax taariiqdu markii ay ku beegneyd 31-ka bishii Julaayo ee aan soo dhaafnay waxaana Ciidamada AMISOM ay halkaasi ku Dileen 7 Ruux oo 6 ka mid ah ay isku qoys ahaayeen.

Maman Sidikou ayaa sheegay in Askarta ka dambeysay falkaasi la soo taagi doono Maxkamad militari islamarkaana lagu qaado dambiga ay ka fuliyeen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

"Kama aamusi doono waxaana balan qaadayaa in Maxkamad militiri ay ka soo muuqdaan Askarta ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ka dambeeyay weerarka lagu Dilay 7 Ruux oo aanu waxba galabsan” sidaasi ayuu sheegay Maman Sidikou isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

"Anigoo ku hadlaya Wakillka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Waxaana raali gelin ka bixinaa falka Ciidamada AMISOM ay ku Dileen 7-da Ruux ee Shacabka ahaa” sidaasi waxaa lagu soo qaray Warsaxaafeed ka soo baxay Midowga Afrika ee AMISOM.

Ugu dambeyn, Hadalka Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku soo aadaya Xili dhawaan Hay’addaha u ololeeya Xuquuda Aadanaha ay siyaabo kala duwan u cambaareeyeen falka lagu Dilay 7-da Ruux ee ka dhacay Magaalada Marka oo qiyaastii 90 Km dhanka Koonfureed kaga beegsan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip