IGAD Oo Kahadashay Colaada Ahlu Sunna & Maamulka Galmudug

0
Saturday September 19, 2015 - 10:30:14 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IGAD Oo Kahadashay Colaada Ahlu Sunna & Maamulka Galmudug

    Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Ee Arrimaha Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Afeey oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa ka hadlay Khilaafka iyo Xiisada Colaadeed ee u dhaxaysa Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Ee Arrimaha Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Afeey oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa ka hadlay Khilaafka iyo Xiisada Colaadeed ee u dhaxaysa Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Ambassador Maxamed Cabdi Afeey ayaa ugu baaqay Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna in ay Joojiyaan dagaalka islamarkaana Dagaalka badalkiisa ay ku badalaan wada hadal iyo Is fahan.

"Urur Goboleedka IGAD aad ayuu uga xun yahay in Dad Soomaaliyeed ay si Nasiib daro ah ku dhintaan,waxaan ka Xunahay in Dadka Gobolada Dhexe ku nool lagu dul Dagaalamo,Dagaal waa laga tagay oo Dowladdnimo ayaa la qaatay”ayuu sii raaciyay Wakiilka.

Hadalka IGAD ka soo baxay ayaa imaanaya ,iyadoo Khilaaf gacan ka hadal Sababay uu u dhexeeyo Maamulka Galmudug iyo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ay sameysatay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip