Amisom oo oday dhaqaneed Toogatay

0
Thursday October 15, 2015 - 19:25:21 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amisom oo oday dhaqaneed Toogatay

    Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay maanta markale gaysteen fal kale oo ka careysiisay dadka Somaliyeed, ka dib markii si bareer ah ay deegaanka Gendershe ugu dileen Ugaas Siidow Maxamed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay maanta markale gaysteen fal kale oo ka careysiisay dadka Somaliyeed, ka dib markii si bareer ah ay deegaanka Gendershe ugu dileen Ugaas Siidow Maxamed.
Ugaaska oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa fadhiyay wado ku taala Gendershe, xilli ay maanta deegaankaasi la wareegen Ciidamada Amisom.

Waxgaradka ku dhaqan deegaankaasi, ayaa Warbaahinta u sheegay in mid ka mid ah askarta Amisom, uu si toos ah ugu bareeray in uu rasaas la dhaco Ugaaska, mana garan karno bay yiraahdeen sababta uu ku dilay.

Ugaas C/qaadir oo ka mid ah Odayaasha ku dhaqan deegaankaasi, ayaa wuxuu si kulul uu Amisom ugu eedeeyay waxyeelaynta bulshada Somaliyeed, iyadoona uu ku baaqay in Cadaaladda la horkeeni askarigii dilay Ugaas Siidow Maxamed.

Ugaas C/qaadir oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu Dowladda Somaliya uu ugu yeeray in Amisom kala xisaabtanto tallaabada, ay sida joogtada ihi ugu daadinayso dhiigga shacbiga Somaliyeed.

Waxay markasta dhegahaagu maqlayan Amisom oo dhibaato u gaysatay shacabka Somaliyeed, tiiyoo aanay jirin cid maanta si xoogan ugala xisaabtamaysa tacadiyadda ka dhanka ah bulshada.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip