Al-shabaabki ku biiray ISIS oo u baxsanaya Buuraha Gal-gala

0
Saturday November 21, 2015 - 01:38:21 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaabki ku biiray ISIS oo u baxsanaya Buuraha Gal-gala

    Dagaal-yahanada Al Shabaab ee taageersan garabkii Al Shabaab ee ku biiray Ururka Daacish, ayaa waxay ka cararayaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal-yahanada Al Shabaab ee taageersan garabkii Al Shabaab ee ku biiray Ururka Daacish, ayaa waxay ka cararayaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.


Dagaal-yahanadan, ayaa wuxuu culeys weyn uu kaga yimid Xoogaga Al Shabaab ee iyagu taabacsan Ururka Al Qaacidda, waxayna u baxsanayaan Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Galgala waxaa ku sugan xoogag u daacad ah Sheekh C/qaadir Muumin oo hogaanka u haaya, garabkii Al Shabaab ee daba yaaqadii bishii October ku dhawaaqay, in ay si buuxdo ugu biireen Daacish.

Gobolada Jubbooyinka, ayaa waxaa ka dhacay hawlgalo si weyn looga soo horjeedo Saraakiishii iyo CIidamadii Al Shabaab, ee dadaalka ugu jiray, sidii uu Ururku ugu biiri lahaa Daacish.

Dhawr weerar oo ka dhacay Jubbooyinka, ayaa waxaa lagu dilay qaar ka mid ah dagaal-yahanadaasi, waxaana lagu soo xir xiray xubno ka tirsan Saraakiishii u ololeyneysay in lagu biiro Daacish.

Madaxda Al Shabaab, ayaa si weyn ugu kala qaybsamay in Ururku uu ka mid noqdo Daacish iyo in uu ka sii mid ahaado Al Qaacidda, waxaase muuqato in weli ay saamayn badan leeyihiin kuwa taageersan in laga sii mid ahaado Al Qaacidda.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip