Cristiano Ronaldo oo ku biiray Juventus

0
Tuesday July 10, 2018 - 14:31:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2049
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo oo ku biiray Juventus

    Xidigii kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga kadib marki uu Talaadadi maanta saxiixay heshiis afar sano ah oo ku kacaya 100 millionoo euro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidigii kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga kadib marki uu Talaadadi maanta saxiixay heshiis afar sano ah oo ku kacaya 100 millionoo euro.
Ronaldo ayaa soo gaba gabeeyay 9 sano oo uu usoo ciyaarayay kooxda caanka ah ee Real Madrid, muddadaasi wuxuu muddadaasi noqday laacibka ugu goolasha badan Real Madrid isaga oo dhaliyay 451 gool. Sidoo kale wuxuu noqday laacibka aduunka 4 jeer intuu uu xirnaa shaarka Real Madrid.

Ronaldo oo ah 33 jir, wuxuu Real ka caawiyay in ay ku guuleysato 4 koob oo ah koobka Kooxaha Horyaalada Yurub.

Saxiixa Ronaldo ayay Juve uga dhigantahay in ay aad u daneyneyso in ay qaado koobka Kooxaha Horyaalada Yurub. Juventus ayaa saddex jeer giitsatay finalka koobka Yurub shanti sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa ugu danbeysay hanashada tartankan sannadk1996. Laakin tan iyo sannadki 2012-ki iyada ayaa ku guuleysaneysay horyaalka Talyaaniga.

Ka tagista Ronaldo ee Real Madrid, kaliyah jab kuma ahan kooxda ka dhisan magaalada Madrid, ee waxay kaloo dhabarjab ku tahay horyaalka Spain ee La Liga oo horay u lumiyay ciyaaryahan Naymar oo sannadki hore ku biiray kooxda Paris St Germain.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip