Juventus & Napoli Oo Caawa Isku Herdinaya Finalka Koobka Suppercoppa + Ciyaariyahano Sheegay In..

0
Monday December 22, 2014 - 14:56:39 in Wararka by
  • Visits: 2053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Juventus & Napoli Oo Caawa Isku Herdinaya Finalka Koobka Suppercoppa + Ciyaariyahano Sheegay In..

    Kooxda kubada Cagta ee Juventus ayaa raadineysa inay si sareysa ku soo xirto sannadkan 2014 iyagoo finalka Supercoppa Italiana dalka Qatar kula ciyaaraya kooxda heysata Coppa Italia ee Napoli.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubada Cagta ee Juventus ayaa raadineysa inay si sareysa ku soo xirto sannadkan 2014 iyagoo finalka Supercoppa Italiana dalka Qatar kula ciyaaraya kooxda heysata Coppa Italia ee Napoli.
Tababaraha Kooxdaasi Massimiliano Allegri ayaa filanaya in Carlos Tevez uu natiijo keeno kulanka Juventus ay wajahayso kooxda Napoli ee Suppercoppa Italiana.

Ciyaariyahan Carlos Tevez ayaa muhim weyn ka ah Juventus oo raadineysa koobkeedii afaraad ee isku xigta ee Serie A ah, waxaana uu sidoo kal ka caawiyay kooxda Talyaaniga inay xaqiijisato booskeeda wareega 16ka Champions League.

Carlos Teves weeraryahankii hore ee Manchester City ayaa dhaliyay 13 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, laakiin kulanka maanta ay la leeyihiin kooxda heysata Coppa Italia ee ka dhacaya Doha, Allegri ayaa sheegay in xiddiga reer Argentina uusan taam aheyn boqolkiiba 100%.

Iyadoo Tevez taam ahaanshihiisa shaki la geliyay, Juve waxaa mar kale ka maqnaan doonaa Andrea Barzagli, Kwadwo Asamoah, Romulo iyo Martin Caceres kulanka ay wajahayaan Napoli oo soo gabagabeysay afar kulan oo guul l;a’aan ah horyaalka Serie A markii ay khamiistii 2-0 ku garaaceen Parma.

Rafa Benitez kooxdiisa waxaa ka maqan Michu, Lorenzo Insigne iyo Juan Zuniga iyagoo isku dayaya inay sannadkan 2014 ku dhameystaan iyadoo koob uu gacantooda ku jiro.

Kooxda kubada cagta Napoi ayaa soo ciyaartay finalka Coppa Italia iyo weliba kulanka isreebka Champions League oo ay sannadkan 2014 la ciyaareen Athletic Bilbao, sidaasi oo ay tahay Benitez ayaa dareensan in kulanka maanta ka dhacaya caasimada Qatar uu yahay kulankooda ugu muhimsan sannadkan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip