Caawa iyo Horyaalada Yurub, Intermilan mala imaan doontaa Mucjiso.

0
Tuesday March 08, 2022 - 10:24:44 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1498
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Caawa iyo Horyaalada Yurub, Intermilan mala imaan doontaa Mucjiso.

    Waxa caawa lagu wadaa iney dhacaan kulamo kamid ah horyaalada yurub lugta labaad taasi oo ah mid kala bax ah, waxana fooda isku dari doono kooxaha Liverpool Vs Intermilan. Bayer Munich Vs FC Salsburg.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa caawa lagu wadaa iney dhacaan kulamo kamid ah horyaalada yurub lugta labaad taasi oo ah mid kala bax ah, waxana fooda isku dari doono kooxaha Liverpool Vs Intermilan. Bayer Munich Vs FC Salsburg.


Kulanka xiisaha gaarka ah leh ayaa waxa uu udhaxeeyaa kooxaha Liverpool iyo Intermilan oo labadaba kaalinta labaad kaga jira horyaaladooda ayaa waxa kadhigan yahay in caawa laga taqalusi doono mid kamid ah.

Liverpool ayaa si aad ah uga rajo badan dhanka Intermilan kadib marki ee laba gool iyo waxba uga soo badisay kooxda Intermilan ciyaar kadhacday garoonka Intermilan ee magaalada Milaano, hasa yeeshe goolashada Kooxda liverpool ayaa kadhigan uun goolal laba ah kadib marki lajoojiyay sharciga goolal tirsiga guryaha.

Sidoo kale Kooxda Intermilan oo ah mid hoos udhac weyn kuyimid shanta kulan ee udambeesay ee ciyaartay ayaa waxa iminka kujirtaa kaalinta labaad ee horyaalka waxeyna umuuqataa mid aan wili buuxin kaalinti uu baneeyay weeraryahankeedi hore Lukaku oo isagana xaalad aan wanaagsaneen kuheesato magaalada London iyo kooxda Chelsea.

Dhanka kale waxa iyana kulan xiiso leh caawa dhaxmaraya kooxdaha Bayer Munich Vs FC Salsburg, iyagoo kulanki luga hore ee kusoo kala baxeen hal iyo hal, taasi oo kadhigan in mid waliba uu ubaahan yahay guul oo kaliya iyadoo wax micno ah sameeneenin goolashada ee ku kala dhaliyeen guryahooda.

Axmed M. Cali
Warsheekh-Muqdisho


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip