Muuqaal ay iska duubeen Malala iyo ninkeeda oo hadal-heyn badan dhaliyay

0
Sunday December 19, 2021 - 23:32:45 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuqaal ay iska duubeen Malala iyo ninkeeda oo hadal-heyn badan dhaliyay

    Baraha bulshada waxaa aad loogu faafiyay muuqaal ay iska soo duubeen haweeneyda ku guuleysatay abaalmarinta Nobel-ka, Malala Yousafzai iyo seygeeda Asar Malik.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baraha bulshada waxaa aad loogu faafiyay muuqaal ay iska soo duubeen haweeneyda ku guuleysatay abaalmarinta Nobel-ka, Malala Yousafzai iyo seygeeda Asar Malik.

Lamaanahan ayaa isku xujeysanayay waxyaabo ay doonayaan inay yool ka dhigtaan fulintooda marka uu billowdo sanadka cusub ee foodda nagu soo haya.

Muuqaalkan hadal-heynta wayn dhaliyay ayaa lagu arkayaa Malala iyo Asar oo ku ciyaaraya goob ay qalin ku tuurayaan, iyagoo mid walba uu sheegayo waxa ay tahay inuu sameeyo sanadka soo socda.

Malala oo inta badan lagu yaqaanno howlaha la xiriira ololaha waxbarashada iyo taageerada gabdhaha ayaan looga baranin muuqaallada noocan oo kale ah.Maxay ku sameynayaan muuqaalka?

Arooskan cusub ayaa waxyaabaha ay sheegayaan hirgalinaya marka uu qalinka lasoo tuuray ku dhex dhaco koobka hortooda yaalla.

Marka ugu horresa ee uu billowdo muuqaalka oo ah qiyaastii daqiiqad iyo bar, Malala ayaa dhaheysa su'aasha hore - oo dhaheysa ma billaabaa gym sanadka soo socda, balse marka ay qalinka tuurto ayay la gafeysaa koobka.

Markaas kaddib Asar ayaa dhahaya - masoo iibsannaa qalabka ciyaarta Play Station-ka, balse qalinkii ayuu isagana la gafayaa koobka.

Qodobka labaad ee ay dooneyso inay sameyso ayay Malala ku dhawaaqeysaa - Asar miyuu xiirayaa garkiisa? Kaddib intey qalinka kas ugu tuurto dhinac kale ayay dhaheysaa "Maya, laguuma oggola inaad sidaas sameyso. Haddii aad saas sameyneyso waad ka tageysaa guriga."

Waxaa la gaaray tookadii Asar. Wuxuu su'aashiisa ka dhigay - Malala inay soo adeegato ma aha bilaha soo socda 'Adeeg ma jiro bisha January'?

Balse qalinka kuma dhacayo koobka, Malala ayaana aad u farxeysa marka ay aragto inuu la gafay.


Qoyska Malala

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Isla muuqaalka, Malala ayaa markeeda tiri - Maka noqdaa taageerada aan baraha bulshada ku raacsanahay Majaajiliiste Hasan Minaj? Markaasna sidoo kale qalinka ayay la gafeysaa koobka.

Dhammaadka muuqaalka, Malala ayaa tiri - Qof walba oo daawanaya muuqaalkan, oo uu ka mid yahay Hasan Minaj, ma tahay inay lacag ugu deeqaan sanduuqa Malala Fund? Kaddibna intay soo kacday ayay qalinka ku ridday koobka, waxayna dadka ka codsatay in ay taageeraan waxbarashada gabdhaha.

Malala oo hadda 24 jir ah waxay is guursadeen Asar Malik 9-kii bishii November, arooskooda ayaana ka dhacay magaalada Birmingham.

Ninkeeda ayaa xilka Agaasimaha Guud ka haya hay'adda Cricket-ka ee dalka Pakistan.


Xigasho: BBC

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip