Kufsi kusoo badanayo Deegaanada Somaliland

0
Sunday March 06, 2022 - 08:34:40 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kufsi kusoo badanayo Deegaanada Somaliland

    Xukuumada Somaliland ayaa ka dayrinaysa tirrada kufsiyada oo si xawli ah u kordhaysa, iyadoo muddo 2 bilood gudaheed ah 17 kufsi dhaceen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland ayaa ka dayrinaysa tirrada kufsiyada oo si xawli ah u kordhaysa, iyadoo muddo 2 bilood gudaheed ah 17 kufsi dhaceen.


Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in tirrada kufsiyada ka dhacaya ciida Somaliland ay aad u kordhayso.

"Sannadka cusub oo bishii saddexaad aynu maanta shan marayno 17 kiis ayaynu maraynaa, oo la hayo, hadaynu 2 bilood 17 kiis hayno sannadka dhamaadkiisa imisa ayay noqonaysa, dhowr boqol ayay noqonaysa" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Wasiirka ayaa sheegay in bulshada Somaliland hayso dariiq la wada ogyahay in ay ku burburayso hadii aan wax laga qaban kufsiga, oo aan si dhakhso ah loo meel marin xeerka kufsiga.

"Madaama oo aynu hayno dariiq cad oo aynu ognahay in bulshadeenu ku burburayso, waa in aynu sharciga ku tun tuunsanaa, madaxweynuhuna wuu saxeexay, golaha baarlamaankana waxaanu leenahay, hablihii idinsoo doortay in aydan ka war wareegin sharcigooda" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad xadhiga lagaga jarayay, xafiis lagala socon doono danbiyada kufsiga si gurmad loogu fidiyo dhibanayaasha.

Abdilahi Geel-maal,

 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip