Yurub oo kahortimid sharciga Saxaafada Soomaaliya

0
Saturday November 27, 2021 - 11:40:38 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yurub oo kahortimid sharciga Saxaafada Soomaaliya

    Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ku tilmaamay sharciga Soomaaliya ee saxaafadda mid xadidaya madax bannaanida warbaahinta, isla markaana horseedaya in la dhibaateeyo saxafiyiinta Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ku tilmaamay sharciga Soomaaliya ee saxaafadda mid xadidaya madax bannaanida warbaahinta, isla markaana horseedaya in la dhibaateeyo saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Qaraar ay si wadajir ah u soo saareen oo diiradda lagu saarayey Xuquuqda Aadanaha, Xorriyadda Saxaafadda iyo Xaalladda Bani’aadannimo ee Soomaaliya, ayaa Baarlamaanku waxa ay ku taageereen go’aanka ay Midowga Yurub si rasmi ah uga codsan doonaan Soomaaliya in ay baabi’iso Sharcigeeda Saxaafadda.

"Baarlamaanka Yurub wuxuu ugu baaqayaa mas'uuliyiinta Soomaaliya inay baabi'iyaan qodobbada sharciga saxaafadda ee 2020 wax laga beddelay kaasoo si weyn u xaddidaya xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka, oo aan u hoggaansamaynin heerarka caalamiga ah ee xorriyadda hadalka," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa sheegay saxaafaddu inay door weyn ku leedahay xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah, balse waxay sheegtay Soomaaliya oo xilligan doorasho ku jirta in saxafiyiinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka loo hanjabo, la xiro ama loo diido nidaamka sharciga ah ee maxkamadaha.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip