Fanaanka, ayaa laba sano ka hor la baxay magaca ah Abuu Dalxa Al-Almani, markii uu si rasmi ah uu u shaaciyay inuu qaatay Diinta Islaamka.
Mareykanka, ayaa saddex toddobaad ka hor ninkaasi ku daray liiska argagaxisada, iyadoo Mareykanku uu ninkaasi ku tilmaamay mid khatar ah.
Shan boqol oo ruux oo u dhashay dalka Jarmalka, ayaa ka barbar dagaalamaaya Ururka Daacish, oo ka dhisan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Jarmalka, ayaa ka walwalsan in ninkaasi uu Daacish u fududeeyo inay ku biiraan dad hor leh oo dalkaasi u dhashay, isagoo adeegsanaaya saamaynta uu ku lee yahay fanka.
Fanaanka reer Germany ee Denis Cuspert oo ku biiray Xoogaga Daacish (Daawo Sawirada)
Fanaanka caanka ah ee u dhashay dalka Jarmalka Denis Cuspert, ayaa wuxuu si rasmi ah uu ugu biiray Dowladda khilaafada Islaamka, oo dunida looga aqoonsan yahay mid argagaxiso.