Mahdi Guuleed: Reer Konfurka xadaarada iyo ilbaxnimada haka barteen reer Waqooyiga.

0
Sunday May 30, 2021 - 23:24:46 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahdi Guuleed: Reer Konfurka xadaarada iyo ilbaxnimada haka barteen reer Waqooyiga.

    Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dowlada federalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ugu baaqay shacabka reer Koofureedka inay ugaga daydaan shacabka reer Waqooyiga habka la isku doorto isagoo ka hadlayay doorashada ka dhacaysa maamulka la magac baxay Soma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dowlada federalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ugu baaqay shacabka reer Koofureedka inay ugaga daydaan shacabka reer Waqooyiga habka la isku doorto isagoo ka hadlayay doorashada ka dhacaysa maamulka la magac baxay Somaliland.


Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya ayaa ammaan weyn huwiyay dadka reer waqooyiga isagoo ugu baaqay shacabka degen gobolada Koofureed ee dalka inay qaabka codeynta ka bartaan shacabka reer Waqooyiga.

"Walaalaha Koofureed waxaan ugu baaqayaa inay cashar ka bartaan sida xorta ah oo xalaasha ah oo qofka muwaadinka ah codkiisa u dhiiban karayo”ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayay warbaahinta ayaa u hambalyeeyey shacabka ka soo jeeda gobolada Waqooyi doorashada ay u dareerayaan subaxnimada Isniinta ee 31ka bishan May 2021.

"Waxaa rabaa in aan u hambalyeeyo maalinta doorashada 31 May shacab weynaha Somaliland, sida dul qaadka, ilbaxnimada iyo waaya aragnimada ku jirto oo ay ugu dareereen, ugu ololeynayeen in doorasho xor iyo xalaal ah oo tartan furan uu ku jiro ay ka wada qeyb qaataan,” ayuu yiri Guuleed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya Khadar Guuleed ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland inay ilaaliyaan nabadda inta ay socoto doorashada.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hore ugaga mid ahaa guddiyada doorashooyinka maamulka la magac baxay Somaliland kahor inta uusan ku soo biirin dowlada federalka oo uu xil weyn ka qabtay.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip