Gudoomiyahi Degmada Warsheekh oo markale lasoo magacaabay & Fariinti reer Warsheekh

0
Saturday August 12, 2017 - 03:34:29 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyahi Degmada Warsheekh oo markale lasoo magacaabay & Fariinti reer Warsheekh

    Gudoomiyihi hore ee degmada Warsheekh mudane Col. Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) ayaa markale dib loogu magacaabay gudoomiyaha degmada Warsheekh kadib wareegto caawa kasoo baxday xafiiska wasaarada arimaha gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabeele.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyihi hore ee degmada Warsheekh mudane Col. Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) ayaa markale dib loogu magacaabay gudoomiyaha degmada Warsheekh kadib wareegto caawa kasoo baxday xafiiska wasaarada arimaha gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabeele.

Gudoomiye Shiidka ayaa ahaa labadi sano ee ugu dambeesay gudoomiyaha degmada Warsheekh isagoo mudadaasi oo xilka hayay uu wax badan kaqabtay baahiyo ragaadiyay dadka reer Warsheekh isagoo mudadaa gaaban ku kasbaday taageerada shacabka reer Warsheekh gudaha iyo dibada.
Degmada Warsheekh oo ah degmo deegaan u ah dad ee aad usareyso xadaaradooda ayaa hadana waxa bur burki dalka ulaba jibaarbay dibu dhac baahsan kaasi oo saameeyay qeybo badan oo kamid ah kaabayaasha degmada .

Inkastoo shacabka degmada ee si siman usoo dhaweeyeen dib umagacaabida Mudane Shiidka ayeey hadana waxgaradka degmada ka codsanayaan maamulka degmada in laba jibaaraan u adeegida shacabka iyadoo loo maraayo hanaan cadaalad iyo amaano kudhisan maadaama maamulka iminka loo xaqiijiyay kalsoonida ee ku qabaan shacabkiisa isla markaana looga baahan yahay dadaal dheeri ah.

Qurba joogta reer Warsheekh ayaa sidoo kale dhambaalo ee caawa soo gaarsiiyeen shabakada warsheekh xafiiskeeda waqooyiga Yurub ku balan qaaday in wixi taageero ah ee la garab istaagi doonaan maamulka degmada Warsheekh iyagoo maamulka cusubna urajeeyay in alle usaqiro gudashada waajibaadka saaran.

Xafiiska Shabakada Warsheekh ee wadamada skandanevianka.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip