Barakac ka bilowday Degmada Diinsoor

0
Sunday March 06, 2022 - 20:34:40 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barakac ka bilowday Degmada Diinsoor

    Ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ahna isku duwaha arrimaha bini'aadantinimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Adam Abdelmoula ayaa waxaa uu soo saaray warbixin ku saabsan xaaladda degmada Diinsoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ahna isku duwaha arrimaha bini'aadantinimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Adam Abdelmoula ayaa waxaa uu soo saaray warbixin ku saabsan xaaladda degmada Diinsoor.

Qoraalka ka soo baxay Ergaygan ayuu walaac uga muujiyay kumanaan qoys oo ka barakacay degmada Diinsoor.

"Waxaan aad uga walaacsanahay saameynta ay ku yeelan karto dadka rayidka ah dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Diinsoor ee maamulka Koonfur Galbeed. In ka badan 17,400 oo qof, oo intooda badan ay yihiin haween iyo carruur, ayaa lagu qasbay inay ka barakacaan guryahoodii Diinsoor saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay.”

Waxa uu ergeyga uu sidoo kale sheegay halka ay u barkaaceen qoysaskan;

"Inta badan dadka barakacayaasha ah oo ay sidoo kale saameysay Gurmadka Abaaraha ayaa waxa ay gaareen deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Baydhabo, Gobolka Baay, Baardheera ee Gobolka Gedo iyo Gobolka Banaadir.”

Ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay dhibaato ka jirto sidii lagu gaari lahaa dad kumanaan qoys ah oo ay abaaruhu saameyeen deegaano ka tirsan Koofurgalbeed.

"Hawl-wadeennada arrimaha bini’aadantinimada ee goobta jooga ayaa soo sheegaya in dadka ay dhibaatadu saamaysay ay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo iyo ilaalin degdeg ah. Ku dhawaad ​​136,000 oo qof ayaa wajahaya xaalad degdeg ah oo cunto yari ah oo ka jirta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Si kastaba ha ahaatee, kor u qaadida jawaab celinta waxaa hor istaagaya caqabadaha gelitaanka iyo maalgelinta.”

Waxa uu ugu baaqay dhinacyada isku haya dalka soomaaliya inaan la horistaagin shaqaalaha bani’aadanimada.

"Waxaan rabaa in aan xasuusiyo dhammaan dhinacyada waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo mabaadi’da kala-soocidda, taxaddarka iyo saami-qaybsiga adeegsiga xoogga. Waxaan ku boorinayaa inay ilaaliyaan waajibaadkaas oo ay ka mid tahay ilaalinta rayidka.

Dhinacyada iskahorimaadku u dhexeeyo waa in ay xaqiijiyaan in shaqaalaha bini’aadantinimadu ay si aan xannib lahayn u helaan dhammaan dadka u baahan gargaarka.”

Xaaladdan ayaa kusoo beegmaysa xilli dalka uu wajahayo xilli roobaadyadii ugu dheeraa tan iyo sannadkii 1981-kii, iyadoo gobollada qaar ay ka jiraan xaalado qallayl oo aad u qallafsan, kaddib roobabkii xilliga Oktoobar iyo December ee 2021-ka oo baaqday. Ilaa 4.3 milyan oo qof ayay abaartu saamaysay, kuwaas oo in ka badan 554,000 ka mid ahi ay ku barokaceen cunto, biyo iyo baad. Iyadoo xilli roobaadka soo socda aan la fileynin illaa bisha Abriil, Soomaaliya waxay isha ku haysaa masiibo ka dhalan karta.


 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip