Alshabaab oo Gowracday Nabdoon caan ah gaarigiisina kugubtay degmada Raage Ceele (Sawiro)

0
Sunday May 02, 2021 - 16:24:03 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alshabaab oo Gowracday Nabdoon caan ah gaarigiisina kugubtay degmada Raage Ceele (Sawiro)

    Wararka waxa ay sheegayan in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay galeen guriga uu ka degenaa magaalada Raagge Ceelle iyagoo gubay labo baabuur oo uu lahaa nabadoonka kadibna hore u kaxeystey Axmed Jilcane.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka waxa ay sheegayan in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay galeen guriga uu ka degenaa magaalada Raagge Ceelle iyagoo gubay labo baabuur oo uu lahaa nabadoonka kadibna hore u kaxeystey Axmed Jilcane.


Maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Raagaceelle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ka kaxeysteen Nabadoon Axmed Jilcane kaddibna gowraceen iyagoo ku eedeeyay inuu Dowladda u shaqeeyo, iyagoona laba gaari oo uu lahaa ku dhex gubay degmada dhexdeeda

Degmada Raaga-ceelle ayaa waxaa ku sugan ciidamo Milatari ah iyo kuwo ka socda ciidamo ka socda AMISOM,hase yeeshee qaar ka mid ah ciidamada milatarigii ku sugnaa degmadaas ayaa waxaa ay soo galeen caasimada dalka iyagoo ka mid ah oo kamid ah ciidamada kasoo horjeeda muddo kordhintii Farmaajo uu samaystay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Raage Ceelle iyo kan gobolka Sh/dhexe oo ku saabsan afduubka iyo dilka lagula kacay nabadoonka degmadaas.


 


 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip