Imtixaanka Dugsiyada Sare: Shan arrin ka ogow imtixaanka maanta Soomaaliya bilowday

0
Saturday May 29, 2021 - 22:15:50 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imtixaanka Dugsiyada Sare: Shan arrin ka ogow imtixaanka maanta Soomaaliya bilowday

    Waxaa Soomaaliya ka furay imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiga sare, ee ah kan ugu dambeeyay ee ardaydu ugu gudubto waxbarashada jaamacadaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Soomaaliya ka furay imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiga sare, ee ah kan ugu dambeeyay ee ardaydu ugu gudubto waxbarashada jaamacadaha.

Imtixaanka ayaa hal mar ka wada dhacaya guubo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah. Ardayda waxaa lagu imtixaanayaa 10 maaddo.

Haddaba, ogow shan arrin oo muhiim ah oo la xiriidha imtixaanka maanta.

1- Tirada ardayda imtixaanka galaysa, iyo kororka sannadkan

Waxaa sanadkan imtixaanka dugsiyada sare u fadhiistay arday gaadhaysa 36,143.

Tirada ugu badan waa wiilal oo waxay dhan yihiin 22,308, halka gabdhaha ay yihiin 13,835 arday oo u dhiganta 38% boolkiiba, tirada guud ee ardayda ah ee u fadhiisatay imtixaanka, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Soomaaliya, Maxamed Caabi Xasan.

Tirada ardayda u fadhiisatay imtixaanka sannadkan waxay sare u kacday illaa 3,000 oo arday oo dheeraad ah, marka la barbardhigo tiradii sannadkii hore.

2- Goobaha iyo ammaanka imtixaanka

Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare waxaa lagu galayaa 121 xarun oo ku kala yaalla afar dowlad goboleed oo kala ah Koonfur Galbeed, Galmudug, Jubbaland, iyo Hirshabelle, iyo gobolka Banaadir. 77 xarun oo ka mid ah goobaha imtixaanka waxay ku yaalaan Muqdisho oo keli ah.

Imtaxaanka wuxuu ka dhacayaa maamul goboleedyada iyo Muqdisho.

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV

Qoraalka sawirka,

Imtaxaanka wuxuu ka dhacayaa maamul goboleedyada iyo Muqdisho.

Goob walba oo imtixaanka uu ka dhacayo waxaa korjoogto ka ah saddex qof oo ilaalinaysa ardayda. Saddexda qof waxay kala yihiin qof ka socda ciidamada booliska, qof ka yimid wasaarada waxbarashada, iyo qof kale oo loogu magacdaray Caawiye.

Wasaarada waxbarashada waxay sheegtay in sarkaalka booliska ka socda uu masuul ka yahay hubinta in uusan qish ka dhicin goobaha imtixaanka.

Amniga guud ee goobaha waxbarashada waxaa ka masuul ah ciidamada booliska Soomaaliya, oo eegaya goobaha imtixaanka kahor inta uusan bilaaban imtixaanka.

3- Gobollada iyo tirada ardayda gobol walba ku galaysa imtaxaanka

Tirada ugu badan ee ardayda imtixaanka u fadhiisatay waxay joogaan gobolka Banaadir. Waxay gaarayaan 26,502 arday.

Tirada labaad ee ugu badan waxay imtixaanka ku galayaan Koonfur Galbeed oo waxay gaarayaan 4,341 arday, halka ardayda imtixaanka ku galeysa Galmudug ay dhan yihiin 2,407 arday.

Imtaxaanka wuxuu ka dhacayaa maamul goboleedyada iyo Muqdisho.

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV

Hirshabelle waxaa imtixaanka u fadhiistay 1,672 arday, halka Jubaland ay imtixaanka ku galayaan 1,221 arday. Puntland qeyb ka ma ahan imtixaankan maadaama ay si gaar ah u maamulato waxbarashada iyo imtixaanka dugsiyada sare.

4- Muxuu imtixaankan kaga duwan yahay kuwii hore?

Waa sannadkii toddobaad oo ay wasaarada waxbarashada Soomaaliya maamuleyso imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, oo ka wada dhacaya afar maamul goboleed, iyo gobolka Banaadir.

Imtaxaanka

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV

Waxaa sannadkan ku cusub imtixaanka in uu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ardayda lagu imtixaanaya manhaj waxbarasho guud oo ay dejisay ayna maamuleyso wasaarada waxbarashada.

Imtixaankii ugu dambeeyay ee sannadkii hore, waxaa ku dhacday arday gaareysa 8,550.

Tirada ugu badneyd ee imtixaanka ku dhacday waxay ahaayeen ardayda magaalada Muqdisho, oo u dhigantay 90% boqolkiiba tirada guud ee ardayda ku dhacday imtixaanka Soomaaliya oo dhan.

BBC Somaliya

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip