Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ee waqtigiisu sii dhamaanayo ahna Musharax u tartamaya Doorashada Madaxweynaha koonfur galbeed ayaa waxaa la sheegayaa in uu isaga hari doono doorashada dhawaan ka dhaceysa Magaalada Baydhabo.
Ilo xog-ogaal ah ayaa Shabakada Warsheekh u sheegay in Shariif Xasan maalinta berito ah uu ku dhawaaqayo in uu isaga haray doorashada Madaxtinimda Koonfur Galbeed ee Soomaliya,isla markaana warbaahinta kula hadli doono Magaalada Baydhabo,halkaasi oo uu ku sugan yahay.
Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in 17 Bishan November ay ka dhacdo Doorashada Madaxtinimada KGS,waxaana taasi oo ay ku tartamayan Musharaxiin dhowr ah oo uu kamid yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
Madaxweynaha Maamul Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan ayaa u arka in aysan jirin cid wax ka qaban karta Faragalinta Dowlada dhexe ay ku heyso doorashada iyo taageerada ay siineyso Musharaxiin ay iyada wadato,waxaana maalmo ka hor Magaalada Baydhabo ay ka dageen diyaarado sida baabuur aan xabadaha karin iyo ciidamo kuwaasoo ilaalo u ah Musharixiinta Villa Somalia.
Madaxweyne Shariif Xasan oo Jahwareer siyaasadeed uu soo wajahay & isagoo ku dhow inuu…