"Qofkii Al-shabaab ka tirsan ee sheegta inuu ku biiray Daacish isla goobta ayaa lagu dili doonaa” ayuu yiri Abu Abdalla.
Hanjabaada Abu Abdallah, ayaa si toos ah ugu socota xubno ka tirsan ururka oo dhawaan sheegay ineey ku biireen ururka Daacish, waxaana jirtay dhawaan in sarkaal ka goostay Al-shabaab oo ku biiray Daacish lagu dilay qeybo ka tirsan Gobolka Gedo.
Ururka Al-shabaab oo ka dagaalama Soomaaliya, ayaa isagu horay Heshiis ula galay urur weynaha Al-Qaeda, balse maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya in xubno muhiim ah oo ururka kamid ah ay u ololeeynayaan ineey ku biiraan Daacish oo ay ballankii hore ee Al-Qaeda ay la galeen ka baxaan.
Ururka Daacish oo isagu isku magacaabay (Doowlada Islaamiga), ayaa u muuqda mid hada shukaansi xoogan ku haaya ururada diiniga ah ee ka dagaalama dalalka Afrika iyo Carabta, waxaana horay ula midoobay Kooxda Boko-Haram ee iyadu ka dagaalanta Nigeria iyo kooxo kaloo ka dagaalama Libya, Syria,Iraq iyo Afghanistan.
Ilaa iyo hada Al-shabaab iyo hogaamiyahooda Abuu Cubeyda , oo sidoo kalena loo yaqaan (Axmed Diiriye), waxay cadeeyeen ineey wali ku taaganyihiin Ballankii ay la galeen Hogaamiyihii Al-Qaeda ee geeriyooday Usama Bin Laden 2012, laakiin arintaas waxaa dhabarjabiyay oo khilaafay Shiikh Cabduqaadir Muumin, oo ahaa hogaamiyihii Al-shabaab ee deegaanada Puntland, kaasoo dhawaan shaaciyay inuu ku biiray ururka ISIS, waxaana fikirkaas la qaatay oo kula biiray 20 kamid ah dagaalyahanadiisa.
Hogaanka Al-shabaab ayaa hada ugaarsi xoogan ku bilaabay xubnaha la dhacsan fikirka ISIS, waxaana jirtay in maalin dhaweyd Jubada Dhexe lagu dilay sarkaal ururka kasoo goostay oo doonayay inuu ku biro ISIS, sidoo kale waxaa jira xubno badan oo xabsiga loo dhigay arintaan, halka kuwo kalena ay tahriib ku galeen dalka Libya iyagoona ku biiray faraca Daacish ee halkaas ka dagaalama.
Inkastoo xubnaha hada la dhacsan kuna biiray ISIS ay aad u yaryihiin, hadana waxaa la dhihi karaa waa xiriirkii ugu horeeyay ee uu ururka ISIS ka helo Bariga Afrika, waxaana suurtagal ah ineey sii bataan oo ay helaan taageero badan.
Stig Jarle Hansen, oo ah Qoraa wax ka qora arimaha ururada Diiniga ee Afrika ka jira, dhaawana lagu wado inuu soo baxo Buug uu ka qoray Ururada Jihaad-doonka Afrika, ayaa wuxuu qabaa ineeysan la yaab noqon doonin in xubno iyo dagaalyahano badan oo ururka Al-shabaab ka tirsan ay la dhacaan fikrada ISIS kuna biiraan.
"ISIS waxay u muuqdaan kuwo wax badan samaynaya, waxay maamulaan dhul aad u baaxad weyn, halka Al-Qaeda aysan heerkaas gaarin, farqiga u dhaxeeya waa intaas” ayuu yiri Hansen.
Inkastoo ay muuqato saameynta ISIS iyo in fikirkooda ay la dhaceen xubno ka tirsan Al-shabaab, ayaa hadana waxaa la inkiri Karin ineey jirto sabab xoogan oo Al-shabaab kusii adkeyneysa ineey kasii mid ahaadaan Al-Qaeda taasoo ah in Hogaamiyihii geeriyooday ee ururka Axmed Cabdi Godane, uu kamid ahaa dagaalyahanadii Midowgii Soofiyeeti kula soo dagaalamay Afghanistaan ee kasoo garab dagaalamay Usama Bin Laden iyo Mullah Maxamed Cumar, waxaana jirtay in 2012 uu Godane heshiis kula galay Hogaamiyihii Al-Qaeda Usaama Bin Laden, sidoo kale waxaa jirtay in mararka qaar inteeysan dhiman labada hogaamiye uu Usaama warqad toos ah usoo diray jiray Godane. Sanadkii 2010 ayaa waxaa jirtay inuu Usaama warqad usoo diray Godane, taasoo ahayd in aan banaanka lakeenin xiriirka Al-shabaab iyo Al-Qaeda sababo jiray awgeed.
Sidoo kale waxaa jira xiriir taariikhi ah oo qoto dheer oo ka dhaxeeya ururka Al-Qaeda iyo ururada kajira dalalka Bariga Afrika.
Kahor weeraradii 9/11 ee New York iyo Washington, waxaa jiray weeraro xoogan oo uu ururka Al-Qaeda ka fuliyay dalalka Tanzania iyo Kenya, gaar ahaan safaaradihii uu Mareykanka ku lahaa dalalkaas 1998, waxaana weeraradaas ku dhintay 224 ruux sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 4,500.
Hadii Al-shabaab ay ku dhawaaqdo ku biiritaanka ISIS, waxaa hubaal ah ineey weyn doonaan dhaqaalo xoogan oo uga imaan jiray dhanka Al-Qaeda iyo sidoo kale tababaro iyo Hub, halka ISIS aysan wali gaarin heer ay si hoose oo fog saameyn ugu yeeshaan Ururada Afrika ka jira.
Ururka ISIS oo isagu xoogiisoo dhan isugu geeyay dalalka Syria iyo Iraq, ayaa dhawaan soo saaray Muuqaal Video ah oo ay ururka Al-shabaab uga dalbanayaan ineey iyaga la midoobaan, waxaana muuqaalkaas kasoo muuqday dagaalyahano Soomaaliyeed oo iyagu ka tagay Soomaaliya iyo kuwo ka yimid dalalka reer Galbeedka.
Laakiin Ururka ISIS, ayaa wixii ka dambeeyay 2012 ku guuleeystay inuu qorto dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku nool dalalka Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, halka waayadii hore ay dhalinyaradaan usoo safri jireen Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-shabaab, waxayna tan guuldaro ku tahay ururka Al-shabaab.
Kahor intii uusan soo shaac bixin ururka ISIS, Al-shabaab ayaa ahayd ururka ugu weyn ee ay dagaalyahanada ajaanibta usoo haajiraan si ay uga garab dagaalamaan, laakiin taas hoos u dhac weyn ayaa ku yimid markii uu soo if baxay ururka ISIS.
Qore: Bashiir Addow Ahmed
Daacish mise Al-Qaeda: Al-shabaab oo 2 garab u kala jabtay
Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa Isniintii lasoo dhaafay mar uu la hadlayay Idaacad ku hadashay Afkooda, waxa uu sheegay ineeysan xiligaan diyaar u ahayn ineey ku biiraan Ururka Daacish ee maamula qeybo kamid ah Syria iyo Iraq.