Shirkada Diyaaradaha ee Turkish Airline oo Duulimaadyo ka Bilaabaysa Somaliland

0
Sunday December 06, 2015 - 02:06:12 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada Diyaaradaha ee Turkish Airline oo Duulimaadyo ka Bilaabaysa Somaliland

    Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Cismaan C/laahi Saxaradiid (Cadaani), ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socda Shirikada Diyaaradaha ee Turkish Airline, Waftigan oo ahaa sahan indho indhayan ah. Ayaa noqonayaa masuuli

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Cismaan C/laahi Saxaradiid (Cadaani), ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socda Shirikada Diyaaradaha ee Turkish Airline, Waftigan oo ahaa sahan indho indhayan ah. Ayaa noqonayaa masuuliyiintii ugu horaysay ee ka socda shirikadaas ee yimaada Caasimada Somaliland ee Hargaysa.


Kulankan waxaa Wasiirka ku weheliyey shirka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Somaliland Cumer C/laahi Aadan, Agaasimaha Waaxda Duulimadyada Siciid Mahadi Ileeye (Saqiiro), Maamulaha Madaarka Maxamed Yuusuf Ismaaciil, dhinaca Waftiga Shirikada Turkish Airlane, waxaa ogaaminayey Qunsul ku xigeenka Xafiiskooda Hargaysa, waxana ay Waftigu ka koobnaayeen Laba Khabiir oo Duulimaadyada ah, oo kala ah Senol Sakali iyo Ahmed Tomul, waxaana kulankaasi markii uu dhamaaday, ka war bixiyey Wasiirka Duulista oo yidhi:

3

"Maanta oo ay bishu tahay 05/12/2015, waxaa halkan noogu yimi Shirkada Turkish Airlines, waxaanay runtii danaynayaan inay ka mid noqdaan Diyaaradaha yimaada Somaliland, gaar ahaan Madaarkan Hargeiysa ee Egal International Airport ,waanu wada hadalnay waxaanu isla afgaranay oo aanu isla eegnay Agaasimaha guud , Agaasmiha Waaxda Duulimaadada ee Wasaarada iyo Maamulaha Madaaarka Egal International Airport ,waxaanu isla garanay inaanu siino wax alla iyo wixii macluumaad ah ee madaarku leeyahay ee ay u baahan yihiin ,iyagana aanu ogaano waxay ka rabaan Somaliland, Madaarka ay imanayaan mooyane ,haday Maalgalin ka samaynayaan Madaarkan ama Madaarada kale, oo aanu isla eegno Wasaarad ahaan inaanu siino hadaanu labadayadu isla qaadano inay yimaadaan madaarka,”

"inaanu anaguna markaa ka fekerno anagoo eegayna waxay dalka ku soo kordhinayaan, haday maalgalin tahay Madaarada, iyo haday tahay xaga Shaqaalaha Wasaaradaba, inaanu siino fasaxii ay ku imanayeen Egal International Airport.”

"Go,aankaasi maaha wali mid aanu gaadhnay, iyaguna qaybtoodii waxay wadaan qiimayan ,anaguna waxaanu iyaga ka sugaynaa waxay dano noo hayaan, markaasna waanu isku soo noqon doona,waana markii u horaysay ee aanu is aragno,wax go,aamo ah oo aanu ka gaadhnay ma jiro,waana mid aanu runtii si buuxda uga baaran dagayno,waxaanu runtii ku salaysan yahay waa in Egal International Airport uu noqdo Garoon caalami ah oo Saldhig (HUP) u noqda Diyaaradaha Caalamka oo dhan ay ka Duulaan ama soo fadhiistaan,ee Geeska Afrika, si uu Egal International Airport u noqdo ka ugu muhiimsan ee Diyaaradaha Aduunku soo fadhiistaan hawshaasna bilowgeedii ayaanu wadna,”

Diyaarado fara badan oo doonaya ama danaynaya, way jiraan inay qayb ka noqdaan Diyaaradaha soo fadhiisanaya Egal Airport markaas hawshaas waa mid aanu wadno waana bilow saasanuna u darsayna midwalba waxa uu la yimaado.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip