CAYAARAHA: Kooxda Horseed oo Afka ciidda u dartay Maanta Heegan oo ay kula tartantay Koob -

0
Saturday December 26, 2015 - 02:56:24 in Sports by Web Admin
  • Visits: 3337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CAYAARAHA: Kooxda Horseed oo Afka ciidda u dartay Maanta Heegan oo ay kula tartantay Koob -

    Kooxda Kubadda Cagta ee Horseed oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee Somalia ayaa maanta ka adkaatay kooxda Heegan oo iyaduna horyaalka dalka ka mid ah, waxayna uga adkaaday gool-ku-laadyo ama rigoorayaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Kubadda Cagta ee Horseed oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee Somalia ayaa maanta ka adkaatay kooxda Heegan oo iyaduna horyaalka dalka ka mid ah, waxayna uga adkaaday gool-ku-laadyo ama rigoorayaal.


Hoseed iyo Heegan ayaa ku tartamayay Super-Cup-ka Somalia, kaasoo ay sanad walba loo dhigo labada koox ee ku kala guuleysta koobka Jeneraal Daa’uud iyo kooxaha hoyraalka kooxaha heerka koowaad ee Soomaaliya.

Naadiga Heegan ayaa wuxuu ku guuleystay koobka horyaalka kooxaha heerka koowaad ee dalka, halka kooxda Horseed ay iyaduna toddobaadkii hore dhegaha ka qabsatay koobka Jeneraal Daa’uud, kaddib markii ay 2-1 ku suul-daartay isla kooxdan Heegan ee ay maanta mar kale ka adkaatay.

Intii ay socotay ciyaartii galabta dhex-martay labadanaadi ayaa waxay kusoo bandhigeen ciyaar-wanaag, inkastoo laba ciyaaryahan oo ka mid ah Horseed oo ku guuleysatay koobka loo taagay karka cas, kaddib markii ay khalad galeen.

Ciyaartii dhexmartay kooxaha Horseed iyo Heegan ayaa daqiiqadihii loogu talo-galay ayaa kusoo dhamaaday barbarro 0-0 ah, iyadoo markaas kaddib Garsoorihii ciyaarta uu labadan kooxood u dhigay gool-ku-laadyo si ay u kala baxaan.

Kooxda Horseed ayaa waxaa u suuro-gashay inay saddex gool oo rigoorayaal ahaa kooxdii kasoo horjeedday ee Heegan ka dhaliyaan, halka Kooxda Heegan ay iyaduna dhalisay gool keliya; taasoo ciyaartii ka dhigtay 3-1 ay guushu ku raacday kooxda Horseed.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta Xiriirka Soomaaliyeed kubadda cagta ayaa koobkii waxay gacanta u geliyay kooxda Horseed, iyadoo kooxdan uu u noqonayo koobkan kii labaad oo ay muddo hal toddobaad gudihiis ah ku guuleystaan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip